Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WARAYSI DHINACYO BADAN TAABANAYA AYAAN LA YEESHAY MR. CABDI AW DAAUUD IRIIR OO KA MID AH UHWA LONDON, UK. ALLAYBADAY, 10.Januar.2009 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Waxa aan waraysi la yeeshay Cabdi AW Daauud Iriir  oo ka mid ahaa ardaydii Iskuulka Allaybaday ugu horaysay ee la qoro taasi oo wakhtigii uu ardayga ka ahaa iyo dhibaatooyinkii ay ardayda reer Allaybaday kala kulmi jireen waxbarasho sare la’aanta, iyo imika sidda uu urko waxbarashada Degmada iyo Horumarka ay samaysay  isaga oo iiga waramaya  waraysigaasi u dhacay siddan.

     1.     S. Cabdi waxa aad iiga warantaa goorta aad iskuulka bilowday?

J. Waxa aan bilaabay sanadii 1961 waxaanan ka mid ahaa ardaydii ugu horaysay ee Allaybaday iskuul ka bilowda.

2.Waxa aad iiga warantaa sidda aad Iskuulka ku bilowdeen iyo cidda wakhtigaasi Iskuulka Allaybaday  Suurta galisay?

J. Waxa aanu bilownay 1961 iyada oo uu Term na dhaafay xiligaasi waxa Iskuul in ay Allaybaday yeelato u Guntaday X Ismaaciil Yoonis (X, Gaydh), alle ha naxariistee oo yidhi sanadkan Allaybaday sina uma Iskuul la’aan karto, kadibna waxa nalaga soo ururiyay Macaamad quraano kala duwan sidaasina waxaanu ku bilownay Iskuulkii.

3. S. Iyada D/Hoose iyo kii Dhexeba ma ila Allaybaday baad ku dhigatay mise meel kale balse Dugsigii sare Halkeed ku dhigatay? 

J.Waxa aanu Allaybaday ku dhiganay 3 Fasal taasi oo aanu ahayn Ardaydii ugu horaysay ee D/Hoose kaga baxda 3 sano, balse Dugsigii Dhexe waxa aanu ka bilownay  Dugsiga Qalax imikana la yidhaahdo Timacade, taasi oo aanu iyana ahayn  ardaydii ugu horaysay ee Waxbarashada H/Dhexe ku dhamaysa 7 sano, Dugsigii sarena waxa aan ka bilaabay Camuud halkaasi oo aan 4tii sano ee Dugsiga sare ku dhameeyay, intaasi ka dib oo aan Nasiib u helay in aan ka mid noqdo ardaydii gashay Jaamacii Gahayr Qaybta Xanaanada Xoolaha, taasi oo aan ka soo baxay Jaamacdiina 1978kii.

4. S. Cabdi Maxaad iiga sheegi kartaa Dhibaatooyinkii aad wakhtigaasi aad ardayga ahayd islamarkaana aanad Waxbarashada Dhexe iyo Sareba aanad Nasiib u helin in aad Magaaladaadii u dhigato aad la kulantay?

J. Hadii aan waxa kaaga sheego Dhibaatooyinkii aan la kulmay  marka hore Gabiley oo aanu ka dhigan jirnay Dugsigii dhexe waxa ay ku taalay Waddo Qaloocan  taasi oo aanan heli  jirin  Baabuur aanu toos Gabiley uga soo raacno, balse aanu soo lugayn jirnay Gabiley ilaa Taysa kadibna aanu  Xidhinta  uga gudbi jirnay anaga oo dhabarka ku sidana Haanbaagyadaydii kadibna halkaasi kasoo raaci jirnay Baabuurt Allaybaday imanaysa, dhinac kale iyana may jirin cid aanu Gabiley ka naqaanay oo nagacan gabta taasi oo marka nala fasaxo dhawr cisho aanan Magaalada Gabiley aanan usoo dhaadhici jirin maadaama oo aanan cid ka garanayn Nataakulaysa ama  wax kale iska daayoo Shaah noo shubta markaasi maan ka iman jirin iskuulka  ee halkaasi ayaanu joogi jirnay inta fasaxu dhamaanayo, taasi oo haddii aanu nahay Ardayda reer Allaybaday ay nala ahayd siddii aanu joogno Qurbo oo kale.

5.S. Wakhtigan Allaybaday waxa ay leedahay Dugsi sare kaasi oo ah Dugsigii sare ee ay Allaybaday abid yeelato, markaasi maadaama oo aad ka mid ahayd ardaydii reer Allaybaday ee aan Nasiib u helin in ay Dugsi sare iyo ku dhexba Allaybaday ka helaan waa sidee dareenkaagu, balse maxaad usoo jeedin lahayd Waalidiinta, Macalimiinta, iyo Ardayda iyana Nasiibka u helay in ay dugsi sare iyo ku dhexba Allaybaday ka helaan?

J. Marka hore waa mid ilaahay loogu Mahadiyo aadna waa ugu faraxsanahay runtii maadaama oo aan garanaayo dhibkii aan kala soo kulmay iyo kii saaxiibadayba kala soo kulmeen raadsashada Waxbarasho, hadaba waxa aan leeyahay waxa aan hesheen fursad qaaliya oo ayna helin Jiilashii idinka horeeyay ee ku fara adayga kuna dadaala ayaan ardayda leeyahay in aad waxbarashada meel sare kagashaan Imtixaanada Dalka waayo anagu waanu ku faraxnaa marka aanu maqalo arday reer Allaybadaya ayaa meel fiican ka galay Imtixaanada dalka,  waxa aan iyana  Waalidiinta usoo jeedinayaa in ay ku dadaalaan guud ahaan Waxbarashada, Macalimiintana leeyahay waxa aad haysaan hawl wayn isumana dheeli tirno wax aad qaadataan iyo hawsha aad haysaane laakiin ilaahay baydun ka helin ajarkeeda eh ku dadaalka sida aad usoo saari lahaydeen arday tayo leh.

6. S. Waxa jirtay Qorshe ay Wadeen Qurba Joogta Reer Allaybaday kaasi oo ahaa in ay dhisaan Dugsi sare oo Boarding ah, Qorshahaasi halka uu ku danbeeyay ayay iswaydiinayaan Dadwaynaha Degmada Allaybaday markaa ka Cabdi ahaan Maxaad qorshahaasi ka ogtahay, balse Jaaliyada aad ka mid tahay ee U.K halkay marinayaan Ururinta Lacagtaasi Boardingka?

J. Qorshaasi way jirtaan in ay bilaabeen Jaaliyadah qaarkood ayna qaadhaankii kusoo qaybay ay dhamaystireen ama dhamaystir ku dhaw yahay balse Nasiib daro Jaaliyada U.K oo aan ka mid ahay ilaa hada noomay suurta galin  in aanu lacagtaasi ururino, balse in aanu hawshaasi bilowno ayaanu ku talo jirnaa,

7. S. Maadaama oo aad wadanka ka maqnayd Muddo gaadhaysa dhawr iyo labaatan sano fikirkii aad ka haystay guud ahaan Waxbarashada Degmada iyo sidda aad ku aragtay iyo waliba baahida loo qabo Dugsi sare oo Boarding ah maxaad iiga sheegi kartaa? 

J. Horta muddo dheer baana iman dalka oo gaadhaysa 22 sano, Waxbarashada Degmaduna  waxa ay usocotaa siddii aan filayay waayo waxa aan soo maray inta badan Iskuulada Degmada kuwaasi oo si fiican ay waxbarashadu uga socotay, markaasi sidaasi waan ka filaayay oo waxa aan warbixinada aanu kala soconaa websiteka www.allaybaday.com , balse ta Dugsi boarding baahiwayn baa loo qabaa oo runtii ardayda Dugsiga sare aad ayay u badan lahayd haddii ay ardaydu heli lahayd waayo waxa jira Waalidiin Badan oo Caruurtoodu ay dhigan lahayd balse imika aanay duruufdu usaamaxaynin in ay dhigtaan sobobtoo ah wax jirta arday badan oo waalidiintood u shaqeeya oo iskuulada isaga tagay marka ay Dugsi sare gaadhaan balse haddii ay heli lahaayeen Dugsi Boarding ah islamarkaana ay wax walbaa diyaar ku yihiin in ay isa dhigan lahaayeen Dugsiga balse imika waxa ay raadsanayaan in ay helaan nolol maalmoodkooda, balse waxa aan rajaynayaa in jaaliyaduhu xilwayn iska saaridoonaan arday badanina ay nasiib u heli doonaan in ay boardingkaasi wax ku bartaan. 

8. S. Waxa aad soo martay Iskuulo ka mid ah Iskuulada Degmada markaasi Baahiyaha ka jiray Iskuuladaasi maxaad ka sheegi kartaa?

J. Runtii waxa aan soo arkay baahiwayn oo macalimiin yaraaneed waayo waxa aan arday imtixaan u diyaar ah Fasaladiina ay u diyaar yihiin balse aanay jirin Macalin ilaaliya ardaydaasi taasi oo ay ardaydaasi fadhiyeen Dibada inta ay Ardaydaasi kale kasoo baxayso Imtixaanka taasi oo haddii ay jiri lahaayeen Macalimiin ilaalisaa ay mar ardaydaasi imtixaanka wada gali lahaayeen taasi waa baahida Macalimiin yaraaneed, takale waxa iyana jirta baahi ka jirta Iskuulada kala ah Dugsi H/Dhexe ee Sh Axmed Qaalib  oo Samuurid ku taala Gidaarka aad ka arki karaysay Dibada Samuuradaasi oo ay ardayna wax loogu dhigaayay taasi oo dayactir la’aan fara badan ka muuqatay Iskuulkaasi, waxa kale oo iyana jirta In Madarasada Alfurqaan ay Dumayso qayb idil oo ka mid ahi taasi oo aan si dhib yar wax looga qaban karin balse hadii la iska kaashado wax laga qaban karo.

9. S. Ugu danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd UHWA world wide?

J. Waxa aan marka hore waan salaamayaa, mar labaad waxa aan leeyahay waxbarashadii Deegaankeena waxbaynu ka badalay balse waxa inoo dhiman hawl badan oo u baahan in aad looga shaqeeyo. takale waxa aan usoo jeedinayaa in ay ku dadaalaan in ay Jaaliyad kastaa soo bixiso Gunada Macalimiinta wakhtigeeda waayo inta aan joogay waxa aan arkay Macalimiintii oo aan mushaar qaadan bishiina kala badhtahay waxa aan leeyahay taasi waa in wax laga badalaa oo lacagta wakhtigeeda lasoo bixiyaa

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com