Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Kulan balaadhan oo dhexmaray UHWA UK iyo Gudoomiye Sh. Abdiasiss M.SAMAALE. London, 06.Febraur.2009 (Sawiro)

Dib Unoqo

London, Waxaa in mudo ahba shaqo hawleed ku joogay dalka UK, gaar ahaan magaalada London Gudoomiye/x Golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah xildhibaan ka soo baxay Degmada Allaybaday, Mudane Sh. Abdiasis Mohamed Samaale.

Hadaba waxaa u sameeyay kulan balaadhan oo isugu jiray qado sharaf iyo fadhi balaadhan dhamaan xubnaha ka tirsan UHWA (London, Birmingham, Bristol iyo Cardiff) iyo Sheekh A/casiisba, Hooyo Faadumo Daud, Mukhtaar (Taysa) iyo Marwadiisa Hinda A Gurmad.

Waxaa warbixin balaadhan ka bixiyay xaalada guud ee wadanka iyo gobolka Mudane Sh. Abdiasis M. Samaale. Muxaadaro dheer ka dib Sheekhu wuxuu aad ugu dheeraaday faaidada badan ee mashruuca waxbarashada ee qurbo joogtu wado uu u keenay degmada Allaybaday, wuxuu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dhamaan xubnaha ka tirsan ururkaa kheyriga ah ee u dhexeeya dhamaan qurbo joogta degmada, una mahad celiyey dadkii soo qabanqaabiyey kulankaa.

Dadkii reer UK ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Maxamuud Abdi Ali Ducaale, Ali Ibrahin, Mohamed Aw Abdi, Ahmed Muse Geedi, Abdi Xaaji, Ahmed Ali, Abdi Dayib, Mahamed Siciid, Faysal Loyar, Hussein Dayib, Hassan Hussein, A/xakiin Shabeel, Hassan A Garoon, Ismail Ahmed, Ahmed A/laahi, A/xakiin Aw-Daahir iyo dhalinyaro kale.

 

 

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com