Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WARAYSI AAN LA YEESHAY TEAM LEADER KA TIRSAN HAYADA HALO TRUST    Mr. FAYSAL MUXUMED C/LAAHI

Dib Unoqo

 

 

 

Waxa maalmahan danbe ay koox ka mida Haayada Halo Trust ay kawadeen magaalada allaybaday Hawlgal miino raadin ah, Hadaba waraysi aan la yeeshay Madaxa kooxdaa waxa uu u dhignaa siddan:- 

1. S. waa maxay muhiimda ugu balaadhan ee aad ee howl galkiinan  ugu timaadeen degmada? 

J. marka ugu horaysa waxaanu ku nimid degmada codsi nagaga yimid maamulka degmada oo naga codsaday in aanu ka samayno Survey miino raadin ah oo aanu ku samayno goobaha ay ku jirto miinadu ama waxyaabaha qarxaa,. 

2. S. halkuu maryaa howl galkiinan  sahanka miino baadhista ahi? 

J. wuxuu maryaa meel fiican waayo waxaanu ka bilownay howshan miino raadinta ah xeradii hore taliskii Siyaad Barre ku lahaa magaalada Allaybaday (xero faqash tii) oo ahayd gaabihii ugu waa waynaa fadhiisimadii ay ku lahaayeen  Gobolka Woqooyi Galbeed, halkaasi oo dhimasho &dhaawac fara badan  dadka deegaanka ka soo gaadhi jireen xoolo tiro badana kaga dhinteen dadka deegaanka. 

3. S. meelaha aad sahanka miino raadinta ah ka wadaan degmada Allaybaday ma halkan uunbaa mise meelo kale ayaa jira? 

J. runtii waxay degmadu naga soo codsatay 6 goobood oo ka tirsan degmada Allaybaday in aanu ka bilowno sahanka miino baadhista ah 6-daa goobood waxaa ka mid ah tan aanu howsha ka wadno iyo in aanu godod magaalada dhexdeeda ah oo ay ku jiraan walxaha qarxaa, sida saldhigii hore ee magaalada in aanu baadhis ku samayno iyo in aanu iyana sahanka ka samayno Geed abeera, Xidhinta, Waraabalay iyo  Wado dhibiiq ayaa iyana qorshaha noogu jirta. 

4. S. wax dad ah oo deegaanka ahi ma idin la howl galaan si ay idiinka caawiyeen mise laga yaabaa in aad howl galisaan dad deegaanka ah? 

J. runtii anagu Halo Trust ahaan mar walba waxa aanu ku shaqaynaa xogta aanu ka helno dadka dagan meesha aanu ka wadno hawsha, markaa anagu waxaanu nahay qaybtii sahanka marka hawsha la bilaabo way nala hawl gali  doonaa ilaa hadana waxaanu ka helnay xogo fiican dadka deegaanka. 

5.S. Sahankiinan  maxaa xoga ee aad ilaa hada  ka hesheen goobtan 1aad ee aad ka samayseen sahankiinan? 

J.Ilaa hada waxa aanu haynaa xogo la taaban karo oo cadaynaya in wax yaabo fara badan oo ah aaladaha qarxaa ay jiraan deegaankan, waayo waxa aanu ku  raad joognaa meelihii ay miinooyinku ka qarxeen ee ay ku laayeen dad iyo xoolaba, ilaa hadana waxa ay dad waynuhu noosoo gacan galiyeen qaar ka mid ah aaladaha yar yare e qarxa sida tan hada aanu qarxinay oo  ah nooca loo yaaqaano Jalfis, waxaananu rajaynaynaa in aanu heli doono noocyo kale oo calculus( anti tunk) waayo meeshani waxay ahayd xero ciidan oo balaadhan.

 

Wariye:ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com