Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

        Warbixintii Labaad (2): Madarasada Allaybaday.

Dib Unoqo

Waxbarashada ka jirta Magaalada Allaybaday,Waraysi aan la yeeshay.

Maamulaha Madarasada Allaybaday, Axmed Aadan Xirsi.

Waraysi:

Su’al: Maamule, Waxa aad tira koob naga siisaa tirada ardayda dhigata Madarasada Allaybaday?Imisa ayaa hablo ah imisa ayaan wiilal ah.

J. Madarasada waxa dhigta hada 340 arday waxa hablo ah 108 hablood. Iyo 232 wiil ayaa dhigta.

Su’al: Imisa Macalinbaa dhiga Madarasada? Magacyadooda noo sheeg.?

J. Waxa dhiga  6 ( lix  macalin)
Axmed aadan Xirsi –Maamuleh
Muuse Aw Daauud Iriir
Mawliid Xasan Cabdi
Maxamed Baaruud Madar
Jamaal Daauud Faarax

Su’al: Xaalada Madarasada ka waran?

J. Madarasadu aad bay u fiican tahay imika.Marka aan ka eego Xaga  geedi socodka  Waxbarashada. Taasi oo aanu dhigo galinka hore iyo galin dambaba dhigno. Xaaladeeda waxbarasho aad bay ufiican tahay.

Su’al: Macalimiinta ayaa mushaarka siiya?

J. Macaliintu Marka hore guud ahaan waa 6 macalin. Lixda macalin waxa gunaysan 2 ka mida lixdaa macalin taasi oo ay gunadaasi siiso Jaalida Dibada ee ka soo jeeda Deegaankan Allaybaday. 3 kalena wax guno ah maqaataan wakhtigan, mid waxaa wax siiya waalidiidta magaalada, waxaanu Jaaliyada dibada waydiisanaa in ay 3 macalin ee waxba qaadan ee Dar ilaahay ku shaqeeya ay guno noo siiyaa, waa hadii ay awoodi karaan.

Su’al: Taariikhda Madarasada bal nooga waran?

J. Madarasada waxa la aasaasay 1992kii. Kaasi oo uu aasaasay Sheikh Naasir Macalin yuusuf.Madarasada waxay soo martay marxalado kala duwan, Waana siidan.Markii ugu horaysay waxa lagu bilaabay Stationkii hore ee Allaybaday. Markii danbe waxa aanu u guurnay guryo magaalada ku yaalay kuwaasi oo bilaa albaabo iyo bilaa daaqado ahaa.Ardayda qaarna dibada ayaa loogu dhigi jiray,Laba sano kadib wax isu tagay dadkii deegaanka waxaanay talo ku gaadheen in la dhiso dhisme ay ardaydu wax ku barato. Taasi oo Suldaanka Beeshu, Suldaan Ahmed A/Laahi Samaale uu ku deeqay dhulka Madarada loo qoon deeyay in laga dhiso. Taasina waa lagu guulaystay oo wax ala dhisay dhismahan madarasada oo ka koobnaa afar fasal iyo hal xafiis. Markii ay siddaa Waxbarashadii kusii socotay ardaydana waxa aanu ku badali jirnay marka ay gaadhaan 6 oo hargaysa ayuu ardaygu u wareegi jiray. Kadib wax  dhacday in ardaydii labadaalayay ay qaarka midihi waayeen xaafada ay hargaysa ku tiirsadaan si ay usii wataan waxbarashadoodii kadibna ay halkaa kaga hadhaan waxbarashadii, Ayaa wax ka shiray arinkaasi dadkii deegaanka iyo Mutacalimiintii degmada ee hargaysa  joogtay. Waxaana la isla gartay in lagu biiriyo  3 galaas oo ay ardaydu halkan ku dhamaysato waxbarashada D/H/Dhexe. Markaa sanadkii hore iyo sanadkan toona wax ardaya maanaan badalin oo waxa ay ku dhigteeen halkan 7.kii oo ay sankii hore dhigteen iyo 8 oo ay imika ku jiraan. Waa siddaa xaalada guud ee Madarasadu.

Madarasadu waxbashada Degmada wax weyn ayay ku soo kordhisay, Caruurta wax ku baratay, hada waxay ku jiraan jaamacada aduunka oo dhan, Qaarbaa hada Europ iyo Maraykanba idinla jooga hada. Wixii ka danbeeyay xorayntii wadankeena waa meesha qudha ee waxbarasho dhisan lahayn Degmadeena. Markaa xaalada madarasada hada aad bay u fiican tahay, intaasi waa tariikh yar oo kooban.

Su’al: Baahida ugu way nee madarasada haysata waa maxay?

J. Baahida ugu way nee madarasada haysataa waa Macaliin yaraan. Oo waxa aanu aad ugu baahanahay korodhsiimo Macalimiineed. Waayo madarasadu waa 8 fasal shan macalina wax bay ka dhigaan markaa kordhsoomo macalin waa kow.

Macaliinta in guno ay wada helaan dhamaantood, Gaar ahaan 3 macalin oo mudo dheer bilaa guno ku shaqaynayaa in guno ay helaan, baahidaas ayaa ugu weyn madarasada.

Dayac tir ama Repairing in lagu sameeyo dhismihii hore ee Madarasada kaasi oo aad u burburay.

Iyo waliba kuraas iyo miisas, Taasi oo ay ardaydu badhkood ku fadhiisto Daasado.

Buugaagta luuqada Englisha ah oo iyana Grade one ilaa grade 8 ka koobana aad baanu ugu baahanahay.

Baahida madarasada lama soo koobi karo waayo wax ay u baahan tahay dhamaan wixii iskuul u baahnaa oo idil, se kolba sida loo jabaa loo dhunuyaa, Illahay mahadee maanta weeyi, hadii aanu haysano cid aanu baahiyada u sheegan karno, oo wax nagala qaban karta.

Su’al: Dadka deegaanka wax Caawima ah ma ka heshaa madarasadu?

J. Haa way ka heshaa taasi oo ay ka caawiyeen labadaa dhisme ee  kala dambeeyayba, Taasi oo ayna Madarasadu soo gaadheen wakhtigan haddii aanay ka helayn caawimo dadka deegaanka, iyo hal macalin oo guno siiyaa dadku.

Su’al: Dawlada iyo D/hoose ee Allaybaday waxa Caawima ah ma ka heshaa Madarasadu?

J. Maya wax caawimaha ka mahelo mibna, marka laga tagi waayo, wasaarada ayaa ka dalbaa bugaag sanadeed.

Su’al: Ardayda wax lacag maad ka qaadaan?

J. Qorshaha noogu weyn waxaa weeyi in aanu Madarasada bilaash ka dhigno oo qof walba Magaalada Allaybaday joogaa waxbarasho bilaasha hel, madaama aanay 3 macalin wax guno hada helin waxaanu arday bishii ka qaadnaa 5000 shilinm (waa haf dollar), waa ku wax heli kara, kuwaa oo ka yar 100 arday, kuwa kale oo dhami bilaash ayay ku dhigtaan, waxaanu Jaaliyada dibada u sheegaa hadii guni siiyaa 3 macalimin ee Hadhsan in aanu bilaasha ka dhigaano Madarasada Hoose/Dhexe ee Allaybaday, Gudida Gudaha waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay nagala hadleen.

Su’al: Jaaliyada dibadu waxa ay leeyihiin Sanad guuraddii Koowaad ee maxaad usoo jeedin lahay?

J. Waxa aan marka hore  u dirayaa salaan qaaliya. Marlaabaad waxa aan usoo jeedinayaa mahadnaq balaadhan oo aan lasoo koobi Karin, Waxaanan leeyahay wax wayn baad runtii u qabteen deegaankana ee dadaalkiina sii wada. Waxaanu aad ula soco sida fiican ee aad wax u wadaaan, Iilaahay ha idinka abaar mariyo, waxaanu ognahay in aad maanta Guno siisaa 20 Macalimin oo dhamaan Degmada Allaybaday wax ka dhiga, laga bilaabo Gees DHeere ilaa Waalid Xoor, Waxaa idiin sheega in magaaladii Allaybaday hada aad looga dareemaa gunadaa yar ee aad soo dirtaan iyo waliba dheeri kalin aad emailada ku soo dirtaaa, Jaaliyada sida gaar ah aan u xusayaa waa Jaaliyad USA ( oo ah Jaaliyadii ugu horeysa ee hawshan bilowday), Norway, UK, Yemen (5 nin oo degmada u dhashay oo dilaaalin ku shaqeeya ayaa isku xil qaamay in ay 1 macalim mushaar siiyaa bishiiba, Alxamulaah, waa wax ku dayahso leh), Denmark, Finland, Sweden, UAE iyo Saudi Arabia. Hadala aan emailada ka xasuusta waxaa ka mid ah, Mukhtar Mure oo yidhi inta nin reerka ka soo jeedaa uu USA jooga waanu wadanaa jihaadka waxbarashda, maansha alla, waa wax lagu farxo, waxaanu dhamaan u sheegaa in aanu ognahay waxa weyn ee aad wadaan, emailkana kala soco wax kasta oo soo kordhay iyo meelaha gunada laga soo diro.

Waxaa kale oo idiin sheega oo aan Jaaliyada dibada ku dardaarayaa, madaama aanu noqonay Degmado waxaanu aad ugu baahan ahay in Qodaalkeenu yeesho Dugsi Dhexe, madaamau aanu bilownay Dugsi Saare waa dugsiga sarre hore ugu yaraan 3 Dugsi dhexe

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Allaybaday
Madarasada Hoose/Dhexe ee Allaybaday
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xidhinta

Waxaanu noqonaaa 3 dugsgi oo mataan oo wado shaqayn fiican inaga dhexaan, dhamaan ardayda ka soo baxdaa dugsiga Sarre ee Jaaliyada dibada iyo dawladu wado dhisaan ayaan kali doonaa insha alla. Sidaa awgeed, waa in la dhisaa dugsigii Dhexe ee Xidhinta oo lala gaashado haydaha iyo Dawlada,

Magaalada Allaybaday si fiican ay u qaadi kartaa 2 dugsi iyo wax ka badan, waxaan idiin sheegaa maanta labada dugsi ee allaybaday waxaa dhigta 600 arday, se magaalada waxaa jooga ugu yaraan 700 ciyaala oo waxba dhigan, markaa walaal magaaladu labo dugsi si fiican ayay u qaadasaa, waxaanu isku dayi in Caruurta magaalada joogtaa ay waxbarasho bilaasha hesho, wiilal iyo gabdhaba.

Aniga oo ku hadlaaya magaca Arday iyo Macalimiinta iyo waalidada Ardayda ee Madarasada Hoose/DHexe ee Allaybaday waxaanu leenay aad iyo aad ayaa mahadnaq weyn ugu soo gudbinaa dhamaantiiba, rag, dumar iyo dhalinyarba.

Wariye: Ismaaciil Cabdi Hilqad
Wariya Ururka Horemarinta Waxbarashada ee Degmada Allaybaday

Degmada Allaybaday
Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com