Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Taysa: WARAYSI  AAN LA YEESHAY  MAAMULAHA DUGSIGA H/DHEXE EE TAYSA. Mr. MAXAMED XASAN CUMAR. 07.JULY.2007 (Sawiro)

 Dib Unoqo

Magaalada Taysa, Deg.Allaybaday, Gobolka Hargeisa

Tarikh yare oo gaaban Magaalada Taysa:

Magaalada TAYSA waxay 25 km dhinaca waqooyiga ka xigtaa magaalada Allaybaday, Waa magaalo ku taal meel muhiim oo dhul beereed weyn leh, waxay ku taalal badhtamah magaalada Allaybaday iyo Arabsiyo, dhinaca bariga waxaa ka xiga magaalada tariikhda weyn ku leh degmada, Xidhinta, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga magaalada Ijaara.Waxay ka mid tahay magaalooyinkii la degay wakhtigii dagaalkii labaad ka dib, waxaa marijiray jidweynihii Cadaa ee isku xidhi jiray Wajaale iyo Hargeisa.

Hadaba Waxaan ka waraystay Xaalada magaalada TAYSA iyo sida ay tahay Maxamed Xasan Cumar oo ka tirsan Maamulka TAYSA ahna Maamulaha dugsiga hoose ee magaalada. ugu horayna waxaan waydiiyay sida ay tahay xaalada guud ee ka jirta Deegaanka Taysa iyo sida ay yihiin kaabayaasha Adeegyada Bulshada ee ay ka mid yihiin Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nadaafada ?

Maamulaha Dugsiga Hoose ee Taysa, Mr. Maxamed Hassan Cumer

Sidan ayuu dhacay waraysigii dhinaca waxbarashada ee Magaalada Taysa: 

1.     Su’aal Maamule ka waran xaalada iskuulka taysa iyo Tariikhyar naga sii Dugsiga Taysa?

Jawaab, Xaalada iskuulku meel fiican bay maraysaa runtii hada, Iskuulan Taysa tariikh dheer ayuu leeyahay, waxaa la markii horey la dhixay dugsiga labo qol sideenadii, dugsigaas oo dumay markii dagaal wadanka lagu qorayn dhacay, intii ay Somaliland jirtay wax waxbarasho ah oo ka jirtay may jiran, mudo hada laga jooga 2 sanno ayay waxaa noo yimid inamo dibada ka yimid iyo qol Hargeisa ka socda, markaas ayaa mashruucan waxbarashada dib looga bilaabay, mudo 2 sanno gudoheeda waxaa jira dugsigaaa aad maanta arkaaso, maalin maalin ka danbayse arday waa ay soo kordhasaa, waan dhaqdhaqaa ugu weyn ee hada ka jira magaalada.

           

Muqaalkii Dugsiga Hoose ee Taysa, waxaa ugu deeqay hayda UNICEF 

2.     Su’aal Imisa  macalin ayaa dhiga dugsiga?

Jawaab, Waxa aanu ku dhignaa laba macalin oo kala ah aniga oo Maamule ah iyo  Macalin Xasan C/laahi Gudaal. Labadaasi macalin ayaanu ku dhignaa dugsiga. 

4.     Su’al, Tirada ardayda dhigata iskuulku waa imisa? 

J.  Tirada ardaydu waa 97   arday , waxaana hablo ah 25 

5.     Su’aal, Ayaa Mushaarka idin siiya? Laakiin imisa bilood baad Mushaarka qaadanayseen? 

Jawaab,  Waxa aanu nahay sidii aan horeba u sheegay laba Macalin markaasi aniga oo Maamula ahi waxa aan gunada ka qaataa Wasaarada waxbarashada iyo  ta Jaaliyada, Laakiin macalinka kale waxa uu ku kooban yahay ta jaaliyadu siiso oo kaliya. Markaasi aniga   Maamule ahaan waan ka horeeyay Macalinka kale ee ila dhiga markaasi waxa aniga mushaarka Jaaliyadu ii bilaabmay march 2006, laakiin macalinka kale waa iga danbeeyay, oo sanad iskuulkan ayuu bilaabay. 

6.     Su’aal, Lacag maad ka qaadaan ardayda? 

Jawaab, maya kama  qaadno wax lacaga ardayda oo waxaabanu wadnaa olole aanu ku raadinayno arday si ay u korodho tirada ardayda dhigata iskuulku oo waalidiinta arday ayaanu markasta  ku borinaa siddii ay u keeni lahaayeen caruurta joogta guryaha ee aan waxba dhigan taasi ayaanu ku hawlanay ee wax lacaga ma waydiino ardayda. 

7.     Su’aal, Dadka deegaanka ama Wasaarada Waxbarashada ee JSL wax caawima ah ma ka heshaan? 

Jawaab. Dadka deegaanka wax caawima ah kama helo, se dadka degaan gudi ka kooban 5 qof oo ayaa jira, taas arinta waxbarashada gacanta ku haysa. Waxaan noo qorshaysan maaadama caruurtii ay badanaaso. In macalin ay dadka degaanku bixiyaan lagu kordhiyo. Laakiin Wasaarada Waxbarashada waxa aanu ka helaa Aniga  Mushaarbay isiisaa, waxa kale oo aanu ka helaa  buugta ardayda  wax aanu uga dhigno iyo fasaxa oo ay siminaaro nasiiso oo Macalinkii kaleba waa uu ku maqan yahay wakhtigan. 

8.     Su’aal, Baahiyaha ugu way nee haysta iskuulka maxaa ka mida?

Jawaab, Baahiyaha iskuulku waa badan yihiin  laakiin tii ugu horaysay maalin dhawayd ayay Gudida UHWA Somaliland wax ka qabteen oo ay hayda  UNICEF noogu deeqday kuraastaa iyo Miisasba, baahiyaha kale ee jira waxa ka mida in ardaydii korodhay  oo uu fasal dibada ku dhigto imika sanad dugsiyeedka marka lagu soo noqdana ay noqon doonto ardayda dibada  fadhidaa ugu yaraan 3 galas hadii ayna ka badan markaasi taasi ayaa ugu horaysa baahiyaha jira  xiligan ee u baahan in wax laga qabto.

Olalaha waxbarashada ee aanu wadnay innta fasaxa waxa uu maraa meel fiican, sida aad ogtahay magaalada Taysa waxaa degen dad badan, waxaa magalada ku haraysaysan 7 reer ama booti, 7 reerba waxaa la shiray gudida hoosaa ee Iskuulka, markaa reer waliba waxay qorsheeyee in ay keeenaa ugu yaraa 20 caruur marka skuulka la furo, markaa waa qiyaasi kartaa innta caruur ee bilaaba iskuulkan, waxaa dhici karta in aanu 200 arday sare u dhaafno, waxaanu nahay labo macalin oo qudha, iskuulku waa labo qol oo shiraaca ah. Markaa waa qiyaasi kartaa baahida ka jirta meesha, se hadana ma rabno in aanu dhibno inamadeena dibada jooga, waxa qudha ee aan ka codnanaa in labada macalin ee ay mushaarka siiyaan hada ay in mudo dheera noo wadaan, waxyaabaha kale insha way iska iman, wax uu degaanku qabsado ama dawlada ama hayda laga heleba.

Hawsha kale ee jirtaa waxa weeyi, feedin centre la sameey hawl ayuu soo kordhiyay, oo caruurta bada nee dugsiga la qorayaa waa arintaa cuntada, iyo waliba caruur tagi jirtay Ijaara oo hada raba in ay Taysa ka bilaabaan, taasi culus weyn ayaa keenasa.

Waxa kale oo jirta Dugsiga Taysa waa Dugsi Hoose, caruurtii sannadka danbe qaarbaa ka baxaaye dugsiga, markaa waa in qorsha lagu darsadaa Dugsigii dhexe ee Qodaalka iyo meesha laga dhisaayo, Aniga Taysa ahaan waxaanu jecelnay in aanu ka qeyb kalno Tartarkaa, inkasoo Magaalada Xidhinku ku haboon tahay, se hadan hadii aanu ka badano ardayda iyo dadaalkaba waanu jecel nahay in meeshada laga dhiso dugsiga Dhexe ee Qodaalka, Waxaa iyaga dhawaan laga dhisay dugsi Dhexe ee Cusub magaalada Ijaara oo ay soo dhiseen Jaaliyada reer Gabiley ee UK degen, markaa Dugsiga kama fogo Magaaalada Taysa.

Su’aal, Ugu danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd Guddida  UHWA  iyo Jaaliyadaha kale  ee ka soo jeeda degmadan ee ku hawlan Horumarinta waxbarashada? 

Jawaab, Marka hore waxa aan usoo jeedinayaa salaam qiimo badan iyo Mahadnaq balaadhan, Waxa kale oo aan ku hanbalyaynayaa hawsha fiican ee ay  wadaan ee wax ku oolka ah waxaanan leeyahay runtii horumarbaad gaadhsiiseen degmadeeniiye sii wada dadaalkiina oo haka daalina, Waxa kale oo aan Guddida UHWA ee guddaha leeyahay runtii hawl fiican baad haysaan oo culayskeeda leh, laakiin waxa aan leeyahay ka sii badiya dadaalkiina sidan waayo wax kormeera ma jiro marka laga reebo maalinta mushaarka naloo keenayo, Kormeerkuna  wax wayn buu katarnayaa  isku xidhnaanta macalimiinta iyo guddida ee  kormeeradaasi ku darsada xisaabta.

Dhamaanaan dugsiga Degmada waxaa ka maqan, kormeel waxbarashada, arintaa waxaa ugu wacan Degmadu waxay lahayn Gudoomiyihii waxbarashada. Taas wayaa fiican in la sameeyo innta dugsiyada lagu noqon.

 

Waraysigaa waxbarashada ka bacdi waxaan kale wax ka waydiiya xaalada kale ee magaalada Taysa.

Maxamed wuxuu ii sheegay in Xaalada guud ay la wadaagaan Degmada iyo Gobolkaba intiisa kale. Sannadka oo ay barwaaqo tahay, beerihii si fiican u baxeen. Hadhoodhka iyo xasiidii ayaa is haysa laga sooo bilaabo bankii wajaale ilaa Hargeisa.

Dhinaca Nabadgelyada ayuu sheegay Maxamed in ay tahay Amaan, balse malaha magaalada TAYSA Saldhig Boolis, Laba Askari oo Boolis ah ayaana jooga Magaalada oo laga soo badalay Allaybaday. Dhulka qodaal waa dhul aad u nabad ah. Markaa magaalada aad dhinaca nabadgalyada u fiican tahay.

Dhinaca Biyaha magaaladu malaha Ceel biyood, inkastoo aya ku taalo dhul Ceel biyo ku fiican, wakhtiga roobabka dadku waxay haystaan barkado ay ka cabaan, wakhtiga jilaal waxaa loo arooraa magaalada Arabsiyo oo masaafa dheer u jirto, oo maalin dhan lagu maqnaado. In Ceel biyo loo qodo waa waxyaabaha ugu weyn ee ka maqan, Haydah in lanoo waydiiyo waa waxyaabaha aanu ka codnaaano dadka Hargeisa jooga iyo Qurbo joogtaba.

Dadka ku dhaqan Taysa iyo hareeraheeda oo aad camiraan wakhtiga, iyada oo la hayd wax tiraa kooban oo saxan, hadana waxaa lagu qiyaasaa 2000 qof, waxayna isku jiraan Xoolo dhaqato iyo Beeralay.

Dhanka Caafimaadka malaha magaaladu meel caafimaada, se waxa leh MCH magaalada Xidhinta,  ay caawiso Bisha Cas, malaha Dhakhtar iyo meel Dumarku ku dhalaan, inta badana dadka waxa loo soo qaadaa MCH Allaybaday oo aad uga fog, dadka aan awoodina waxay ku hayaan meelaha miyiga ee ka dheer magaalada.

Xaga Hayadaha caalamiga ah ayuu sheegay in aysan TAYSA arag Hayad wax u qabanaysa deegaankooda, marka laga reebo Haydo wadani oo mar Xidha jeex jeex waaweyn ee biyuhu maraan. Hayda ugu weyn ee Degaan Taysa wax u qabtay waa UHWA, mahadnaq weyn ayaan u soo jeedinayaa Dhamaan dadka ka mid ah ururkaa, ha ugu horeeya Gudoomiya guud, Mr. Bakaal.

Dugisa Hoose/Dhexe Xidhintan. (La soco waraysiga Danbe)

 

 

La soco warbixinada danbe ee ka iminaaya, Xidhinta, Geed Abeerah, Gees Dheere, Harcadaad, Diinigoobaale iyo Waadi Xoor (Waadi Jano).

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com