Iyo Waraysi aan la yeeshay Maamulaha dugsiga H/Dhexe ee
Allaybaday,
Cabdi Aw
Axmed
|
 Dhismihii Dugsiga
Hoose/Dhexe Allaybaday |
Waraysi:
Su’al: Maamule
marka hore waxa aad tiro koob naga siisaa tirade ardayda
dhigata D/H/DHexe? Imisa ayaa hablo ah Imisa ayaa wiilal ah?
J. Tirada guud ee ardayda
dhigata dusiga H/Dhexe waa 300 oo arday, Waxa hablo ah 97
hablood, Wiilala 203 wiil.
Su’al:
Imisa macalin ayaa dhiga? Magacyada maclimiinta oo
sadexan ii sheeg?
J. Waxa dhiga dugsiga 8
macalin iyo macalimad dhigta dhinaca NRCda magacyadooduna
waa siddan:-
Maamule. Cabdi aw Axmed Xasan
Foosiya sh. Aadan Aamin
Axmedqani sh. Muxumed
Ismaaciil Xasan Liibaan
C/raxmaan Sh C/laahi Aw gab
Cabdi Aw Maxamed Ismacil
Axmedyaasiin Maxmed Daauud.
Maxamed Axmed Cige
Farxiya Maxamed Daauud (NRCda)
Su’al: Xaalada iskuulka ka
waran?
J. Xaalada iskuulku aad ayay
u fiican tahay,Marka loo eego xiliyaddii hore, Xag
Macalimiineed & hanaanka Waxbarasha taasi oo ay ugu wacan
tahay Gunada ay Macaliintu hesho. Taasi oo Macalinka lala
xisaabtami karo marka lasiiyo gunno taasi ayaa wax wayn ka
badashay hanaankii waxbarasha ee iskuulka iyo Guddida
guddaha oo iyana Kormeer dheeraada ku haya hawlaha iskuulka
ayaa iyana wax wayn ka badalay xaalada iskuulka.
Su’al: Macalimiinta ayaa Mushaarka siiya?
J. Macalimiinta waxa
Mushaarka siiya Jaaliyada dibada ee kasoo jeeda degmadan,
Marka laga reebo hal macalin oo wasaarada Waxbarashadu siiso
mushaarka kaasi oo qaatana gunada jaaliyadana. Ayuun baa ka
gunaysan Wasaarada Waxbarasaha inta kale waxba ka qaataan
W/Waxbaraashada.
Su’al: Taariikhda iskuulka wax nooga sheeg.?
J. Iskuulkan Allaybaday wuxuu
leeyahay taariikh dheer,hadaba waxa aan wax ka odhan doonaa
wixii ka dambeeyay 1988kii . Iskuulku wuxuu burburay
1998kii.burburay kadib waxa dib loo dhisay afar fasal iyo
hal xafiis oo ka mida Iskuulka 1993 kii. Kaasi oo ay dhistay
UNDP. Waxa marlabaad la dhisay qaybtii labaad ee Iskuulka
oo ahayd afar fasal iyo hal xafiis iyana sanadkii
2002.Waxa kale oo la dhisay Hall iyo kitchen loogutalagay in
ay ardaydu wax ku cunto,Taasi oo ay dhistay NRC.
Raashiinkana ay bixiso WFP.Iskuulka guud ahaan waa
siddaasi.
Su’al: Maamule waxa aad nooga
warantaa Baahiyaha ugu way nee Iskuulka haysta?
J. Baahiyaha ugu way nee
Iskuulka haysta waa siddan:-
Dayr malaha
Iskuulku markaa dayr aad buu ugu baahan yahay, Si uu uga
difaaco dadka iyo xoolaha.
Dhismihii hore
ee schoolka oo u baahan dib udhis ( repairing) in lagu
sameeyo.
Waxa kale oo aanu baahan
ahay wax yaabaha fududeeya Imtixaanaadka
ardayda, Sidda
Computer iyo Photo coppy.
Iyo
Buugaagta englishda oo ka kooban grade one ilaa grade
8. waayo buugaagtaasi mahelo. Oo English ah.