Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WAFTI BALAADHAN OO AY HOGAAMINAYAY WASIIRKA WASAARADA WAXBARASHADA JSL  OO SOO GAADHAY DEGMADA ALLAYBADAY, 18.07.2007

Dib Unoqo

Gudoomiya Guud ee UHWA oo Allaybaday ka qudbadaynaya

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka wasaarada waxbarashada ayaa soo gaadhay degmada allaybaday hadaba waftigan oo ay ka mid ahaayeen   Wasiirada  kala ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Waxbarashada,  Beeraha, iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta qaranka ayaa soo gaadhay degmada allaybaday, Hadaba Waftigan oo u jeedada socodaalkoodu   kala duwanayd, ayaa waxa waheliyay Haayadaha Caalamiga ah qaarkood, kuwa wadaniga ah, xildhibaano, salaadiin, madax dhaqameedo, iyo xubno kale oo kasocday JSL,hadaba waxa Waftigan si heer sare ah   usoo dhaweeyay dadwaynaha reer allaybaday kuwaasi oo lulaayay calanka Somaliland iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqayay halku dhigyo soo dhawayn ah, ayaa waxa uu Wasiirka Waxbarashadu Mr. Xasan Maxamuud( xasan gadhwayne) dhigay dhagax dugsigii sare ee u horeeyay ee ay yeelato degmada allaybaday isaga oo dad waynahana halkaasi hadalo kooban usoo jeediyay wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay  waxa aan maanta dhagax dhigay dugsigii sare ee ay allaybaday yeelato

Dhagaxdhigii Dugsigii Sarre Allaybaday, oo Ay wafdigu daawanaya

waxaanan rajaynayaa in ay jaamacna yeelan doonto, waxa kale oo uu xusay in dugsigan sare uu amarkiisa iskalahaa Madaxwaynaha JSL oo la kulmaybuu yidhi Guddida waxbarashada ee degmada allaybaday( UHWA) waxa kale oo uu dadwaynihii halkaasi isugu yimid u sheegay in ay 7 iskuul ee taandhada ah laba kamid ah uu dhagax iyana dhigi doono, waxa kale oo uu dadwaynahaasi ugu bishaareeyay in 7 iskuul oo ka mid ah iskuulada degmada allaybaday ay u bilaabmi doonto feedinkii bisha August, taasi oo uu yidhi 7 istoodh ee ay leeyihiin 7 badaa dugsi waxa dhisay jaaliyahada dibada ee kazoo jeeda degmadan allaybaday waxa kale oo uu yidhi intaasi uun kuma koobno jaaliyadahaasiye waxa kale oo ay bixiyaan nafaqada Macalimiinta wax ka dhigta dhamaan iskuulada degmada allaybaday,Markaa Wasaarad Waxbarasho ahaan aad baanu ugu amaanaynaa hawshaasi ay hayaan jaaliyadahaasi waayo cidii wax qabsata ayuun wax loogu daraa ayuu hadalkiisii ku soo koobay.Intaasi kadib waxa uu waftigaasi  kormeer kusoo sameeyay dhaamamkii ay jabiyeen daaddakii degmada  khasaaraha soo gaadhsiiyay   iyaga oo kormeerkoodaasi kusoo eegay sida ay u qabsantahay hawshii xidhitaanka dhaamamku,Kormeerkaasi kadib waxa ay dib ugu soo noqdeen Khayriyada Allayabaday halkaasi oo dadwayne aad u tiro badan kusii sugayay, waxaana ugu horay halkaasi hadalo mahadnaq u badan ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada allaybaday Mr. Xasan Cabdi( xasab shahar)waxaanu hadalkii kusoo dhaweeyay Suldaanka Beesha Saladin Axmed Nuur/laahi Samaale, hadaba suldaan ka oo hadalo dhinacyo badan taabanaya u jeediyay dad waynaha reer  Allaybaday  ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa bogaadin uu u soo jeediyay dawlada   Jamhuuriyada Somaliland isaga oo xusay sida fiican ee ay ugacan qabatay dad waynaha reer Allaybaday, waxa kale oo suldaanku bogaadin u soo jeediyay Madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland ''Mudane Daahir Riyaale Kaahin '' oo uu ku yidhi maanta waxa socda wafti xukuumi ah   waftigana iska muu iman ee wax amarka   imanaashahooda iska lahaa Madaxwaynahay JSL Mr. Riyaale, waxa kale oo uu dadwaynaha reer allaybaday ku amaanay   isgacan qabashada  ay is gacan qabtaan, Ugu danbaytii waxa uu xukuumada Somaliland  usoo jeediyay in ay Wasaarad kastaa ka furato xafiis degmada dhamaan xafiis yadaasina ay ugu deeqi doonto Maamulka degmadu wasaaradahaasi,

Wafdigii Allaybaday tagay!

Waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha  Bisha cas  Mr. AXMED Cabdi Bakaal, Mr. Bakaal waxa uu    aad uga hadlay xaga waxbarasha iska oo aad ugu amaanay Wasaarada Waxbarashada iyo Haayada UNICEF sida ay markasta uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada degmada allaybaday waxa kale oo uu mahadnaq usoo jeediyay 17 jaaliyadood ee kazoo jeeda degmadan allaybaday ee ku hawlan horumarinta deegaankooda ee xaga waxbarashada, waxa uu hadalkiisii kusoo kooban marti qaad uu u fidiyay wasiiradii   iyo Haayadihii Caalamiga ahaa iyo kuwa wadaniga ah iyo madaxdii kaleba in ay kazoo qayb galaan Maalinta Waxbarashada degmada oo ah buu yidhi 21/july/007.

Waxa isna halkaasi ka hadlay  Wasiirka Beeraha  ee JSL Mr.Aadan c/laahi   dhoolayare waxa uu wasiirku sheegay in ay tahay safarkani kiisii ugu horeeyay ee uu ku yimaado degmada allaybaday iska oo sheegay in dhawr jeer oo hore lagu casuumay hadan uu nasiib   u helay in uu maanta yimaado, waxaanu yidhi sida aan moodayay Allaybaday iyo sida aan ku arkay farqi wayn baa u dhaxeeya waxa aan moodayay meel iska ooga ah laakiin waxa weeyaan meel runtii jano ah, Waxa kala oo uu yidhi Allaybaday maahee waa ALLAA ISIIYAY, Waayo waxa ay wax u qabsadeen  dadwaynaha reer allaybaday sidii dawladaha  waxayna   Hormood u yihiin dhamaan beeralayda dalka waxaana loo baahan yahay in lagaga daydo horumarka ay gaadheen beeralayda allaybaday, waxa  kale oo uu yidhi allaybaday   waxa aad qabsateen wax lagu faano  xukumad ahaana waxa nalooga baahan yahay in aanu idinku ilaalino horumarkaasi aad dalka u horseedeen,waxa kale oo uu wasiirku ku wareejiyay Beeralayda allaybaday qalabka beeraha oo ka koobnaa 42 Ijiin iyo 3900 mitir oo tuunbooyin ah 6 ah bamamka lagaga buufiyo xasharaadka beeraha   iyo siidhis, kuwaasi oo ay kula deeqeen Haayada DRC oo bixisay 20 ijin iyo 2200 mitir oo tuun boyin ah iyo NGOga ADO oo bixiyay  17 ijin iyo 6 sprayerka xasharaadka   lagu buufiyo ah iyo siidhis, 5 ijiin oo Maamulka degmadu isna ugu qeeday beeralaydaasi uu khasaaraha daadadku soo gaadhsiiyeen, qalabkaasna waxa uu ku wareejiyay beeralayda allaybaday isaga oo ugu danbayntii wasiirku sheegay in uu degmada allaybaday hadi kadib aad uga war hayn doono.

Suldan Guud ee Degmada, Suldan Ahmed A. Samale oo Allaybaday ka qudbaaynaaya

Waxa isna halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka Mr. AXMED Xashi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay aniga allaybaday maanta iiguma horayso ee waan ku dhashay, waxa kale oo uu   yidhi  ka wasaarad Qorshayn ahaan waxa noo qorshaysan in aanu wadada allaybaday iyo hargaysa  isku xidha aanu banayno isanga oo yidhi imikana waxa aan soo amray haayada miino saarka si ay miniinada uga saaraan   wadadaasi,waxa uu hadalkiisii kusoo koobay waxa aad tihiin dad wax qasaday oo la hiigsanayee sii wada dadaalkiinaasi.

Wasiirka Beeraha, Adan Dhoolayare oo Allaybaday ka qudbaaynaaya

Waxa ugu danbayn halkaasi ka hadlay wasiirka Arimaha Gudaha ee JSL, Mr. C/laahi Ismaaciil (C/Laahi cirro) waxana uu ku bilaabay hadalkiisa waxaan fariin idiinka sidaa M/Waynaha JSL oo isoo igmaday in aan salaam idiinka soo   gudbiyo, waxa kale oo uu yidhi  anigu waxa aan ahay reer allaybaday oo aniga oo badhasaaba iyo wasiirba ah waan iman jiray allaybaday waxa ay gaadhay horumar ay tusaale u noqon karto dhamaan beeralayda dalka waxaana iska cad in ay allaybaday noqotay meesha laga baran doono cilmiga beeraha.

Wasiirka Arimaha Gudaha, A/lahi Ciro oo Allaybaday ka qudbaaynaaya.

Sheeikh Baladka Allaybaday, Sh. CAbdilahi Sheikh

Wafdiga oo jooga Xafiiska Dawlada Hoose Allaybaday.

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com