|
WAKIILKA
WASAARADA HORUMARINTA REER MIYIGA DHIRTA IYO DAAQA OO 300 GEED
UGU DEEQADAY MAGAALADA ALLAYBADAY.
09 Septemver.2007 |
Dib Unoqo |

Gudoomiyaha Degmada, Mr. Hassan Shahar iyo wakiilka
W. Horumartinta: Mr. Adan Mowlid
Wakiilka wasaarada
horumarinta reer miyiga dhirta iyo daaqa ee Allaybaday MR.
AADAN MAWLIID WARSAME ayaa magaalada Allaybaday ugu
deeqaday 300 geed oo isugu jira noocyo fara badan, hadaba Aadan
oo aan waraysi la yeeshay waxa uu u dhacay sida tan:-
S.
Aadan waxa aad magaalada Allaybaday keentay 300 geed oo
isugu jira noocyo fara badan markaa waxa aad iiga warantaa
meelaha aad ugu tala gashay in lagu beero geedahaasi?
J.
Dhirtan aan keenay magaalada Allaybaday aniga oo ka
wakiila wasaarada horumarinta reer miyiga, dhirta iyo daaqa waxa
aan ugu talagalay in lagu beero goobaha muhiim ka ah sidda:,
Xafiiyada Dawlada Hoose iyo Dawlada Dhexe ee Degmada,
Iskuulkada, Goobaha Caafimaadka, Dariiqyada muhiimka magaalada
Dhexmara, Beerta Xoriyada ee Mujaahid Maxamed Cali (Xeradii
ugu horeyse ee SNM lagu aasaasay, waxaana Deganaa cutub military
ee ugu horeee xoogaga SNM, Waxaan hogaaminaayay ALLAHA HA
unaxariista Mujaahid weynaa ee Maxamed Cali),
Goobahaasi ayaanu ugu talagalay in lagu beero geedahaasi,

S. Maxaa
ilaa hada kuu qabsoomay ka wakiil wasaarad deegaan ahaan?
J. runtii waxaan
samayeeyay wacyi galin fara badan oo ah siddii loo badbaadin
lahaa guud ahaan deegaanka.
S. MR. Aadan
waxa aan ka warantay inaad wacyigalin faro badan ka samaysay
siddii loo badbaadin lahaa deegaanka, markaasi ilaa hada
meelehee ayaad is odhan kartaa wax baad ka qabatay?
J.Runtii waxaan wax
ka qabtay WAADI-XOOR ilaa Tincada oo ilaa hada aanu ka
wacyigalinay siddii aanay dhirta u jari lahayn ama u gubi
lahayn( u dhuxulaysan lahayn) taasi oo aan fahamsiinay
muhiimada ay dhirtu u leedahay deegaanka, runtiina hawshaasi
meel fiican bay maraysaa.
S. Ugu
danbayntii maxaad ka qabataan dadka falalka dabargaynta dhirta
ka waantoobi waaya marka aad ka wacyi galisaan?
J. Waxaanu ka
qabanaa in dadkaasi la isugu daro xadhig iyo ganaax si ay kuwa
kale ugu wax qaataan oo aanay ku kicin falka ay kuwani ku
kaceen.
Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |