Waxa
ciyaartoyga degmada allaybaday loo deeqday qalab
isporti oo kala duwan,Kuwaasi oo ay uugu deeqday
Haayada Samafalka ee bisha casi. Taasi oo
ay aad usoo dhaweeyeen ciyaartoygii dhiiri galena runtii
unoqotay waayo baryahan danbe waxa uu ciyaartoygu aad ugu
baahaanaa agabkaasi isportis, iyaga oo safaro ciyaareed ugu
baxaayay magaalooyinka kala ah Wajaale iyo
arabsiyo, harta sheekha
iyo waliba Qabirbayax oo kililka shanaada.
Kulanadaasina inta badan guulo wax ku
oola
kazoo hooyeen.Qalabkan isportina waxa aan odhankarnaa kor
ayuu usii qaaday
Mooraalkoodii
ciyaareed iyada ay wakhtigan danbe ay ciyaartoygu
wakhtigooda ku qaataan ciyaarid ciyaaraha kala duwan, iyada
oo ay qaarkale oo wakhtigooda inta badan ku lumen jiray
isticmaalka jaadkuna ay imika usoo jeesteen in ay wakhtigood
ku qaataan ciyaarida sportiska . Taasi oo ay ciyaartaygani
soo jiiteen kuwaasi hore uga tagay ciyaaraha ee balwada
yeeshay imikana kazoo noqday, Taasi oo aan odhan karno waxa
usobob ah dhiirigalintan ay bisha casi samaysay. Taasi oo
runtii aad ay ciyaartoyga iyo dadwaynaha kale ee degmaduba
Mahadnaq balaadhan ay usoo jeedinayaan bisha cas
iyo AXMED ABDI BAKAAL, oo isna
aad ugu dadaalay hawshaasi isportiska iyo hawlaha kale ee
degmada kasocodaba. Hadii ay noqoto tu caafimaad iyo tu
waxbarasho iyo tan isporiska ee maantaba, Qalabka lagu
doonsiiyay oo kala ahaa siddan:
- Diraysyo kala
duwan
-
Kubado kala
ah
-
Football
-
Basketball
-
Volleyball
-
Iyo tii miiska lagu
ciyaarayay
- Shabagii
biraha
Waxa
kale oo ay Bisha casi ka furtay
degmada Xafiis
cusub kaasi oo ka shaqayn doona ka wacyigalinta dayarta
cudurka dilaaga
ah ee
Aidska.
Waxa kale oo ay bisha casi magacow Gudoomiyihii bisha cas
uga wakiil noqon lahaa degmada iyada oo loo magacaabay
Maxamed Xaashi
Caduur, in uu noqdo gudoomiyaha bisha cas ee
degmada allaybaday.Xafiiskaasi
cusubna waxa bisha cas ugu deeqay Gudoomiyaha degmada.Hasan
ABDI ALI( SHAHAR)
BY;
Wariya: ISMAEL ABDI
HILQAD
Degmada
Allaybaday, somaliland
tell;002522357702