Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

HAAYADA UNICEF OO BILOWDAY  DHISMIHII ISKUULADA GEED-ABEERAH IYO TAYSA, Dhamaystirka Dhismihii Dugsiga Laayo iyo Gudoomiyaha Guud ee UHWA oo socdaal Europ uga bilaabmay, Allaybaday, 02.Desember.2007. (sawiro)

Dib Unoqo

 

Waxa ay Hayada UNICEF bilowday dhismihii iskuuladada Taysa iyo Geed-abeera iskuuladaasi oo uu dhagaxa dhigay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali( xasan shahar) iskuuladaasi oo ay hore uga dhisnaayeen iskuulo ku meel gaadh ahi(temparary) oo taandho ahaa, ayaa xafladii dhagax dhigada iskuuladaasi hadal kooban uu ka jeediyay Gudoomiye Degmada. Mr.Xasan waxa uu  ugu horayn u mahadnaqay Haayada UNICEF  oo ku amaanay  dhismaha iskuuladaasi ay dhisayso haayadu, waxa kale oo uu yidhi waxa aan idinka rajaynayaa in aad sidii hore ee wax ku oolka ahayd ee aad hawlaha degmada uga wadi jirteen aad usii wadi doontaa hawlihii aad ka hayseen degmada ee ayna tani noqon doonin tii idiinku danbaysay, waxa kale oo uu halkaasi mahadnaq uga soo jeediyay Wasaarada waxbarashada JSL oo uu iyana ku amaanay sidda ay markasta u dhinac taagan tahay hawlaha ka socda degmada, waxa kale oo uu dadwaynihii isugu  yimid iskuuladaasi la dhisayay ku boriyay in ay ku dadaalaan siddii ay u gayn lahaayeen caruurtooda iskuulada, taasi oo uu yidhi waxa aad haystaan waxa ilaahay lagu mahadiyo oo aan ka jirin ama nadir ku ah Guud ahaan dalka JSL taasi oo uu yidhi guud ahaan waxbarashada degmada Allaybaday waa lacag la’aan(free charge) oo habayaraatee wax  lacag ah lama waydiiyo ardayda,taasina waxa suura galiyay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ka soo jeeda deegaankan Allaybaday kuwaasi oo ku amaanay hawshaasi waxtarka leh ee ay hayaan, Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi idinkana waxa la idiinka baahan yahay in aad ardayda iskuulada soo laban-laabtaan waayo waxa la isku dhaafay waxbarasho,ayuu hadalkiisii ku soo koobay Gudoomiyuhu.

 

Waxaa iyagu Xalfadaa ka hadlay, Laba nin ee qaatay Qaydaraaska dhismaha labada Dugsi, waxaa ka mid ahaa A/rasaq Sh. Adan Ali, waxayna ii sheeg in ay mudo 2 bilood ah ay ku dhamays tiraa dhismaha labada Dugsi.

Waa dugsigii 4 aad ee Degmada Allaybaday laga dhiso, intii ururka UHWA gacanta ku haysay Dugsiga Degmada.

Dhismihii Cusbaa ee dugsiga LAAYE.

 

 

Dhinaca kale waxaa weaken la soo gababeeya Dhismihii Dugsiga LAAYE, oo ay dhistay Hayda Oxform, waxaana lagu wareejiyay maamulka Degmada iyo ururka UHWA.

11 Dugsi ee ay Hayda UHWA gacanta ku hayo waxaan dhismo rasmi lahayn 4 dugsi oo kale,

  1. Gees Dheere

  2. Har Cadaad

  3. Diini Gobaale

  4. Wadi Xoor

 

Afartaa dugsi waxaa la rajaynayaa in sannadka 2008, ay dhismo rasmiya helaan.

 

Dhinaca Kale gudoomiihii Guud ee UHWA Mr. Ahmed Abdi BAKAAL ayaa socdaal ku saabsan kobcinka iyo dhaqaalo urur ku saabsan boardinkii Dugsiga Sarre ee magaalada Allaybaday, ka bilaaba wadanka Norway, isaga oo soo maraa dhamaan wadamada Europ.

 

Gudoomiyah UHWA , oo la soo dhawaynaayo.

 

 

 

 

 

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com