Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Shirweynihii 3aad ee sanadlaha ahaa ee ururka UHWA iyo Xisaabxidhkii iyo waxqabkii ururka UHWA ee sannadka 2007, Allaybaday. 01.Januar.2008.

Dib Unoqo

Ururka Horemarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday (UHWA) oo shirweynihiisii 3aad ee sanadlaha iyo Xisaabxidhkii iyo waxqabkii ururka UHWA ee sannadka 2007 ayaa lagu soo bandhigay teleconforense oo hogaamin gudoomiaha guud ee ururka UHWA, Mr. Ahmed Abdi Bakaal, safar shaqo ku yimid wadamada, Swissland, Norway, Sweden iyo UK.

Shirweynahaas oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan 18 Jaaliyadood ee ka qayb qaata mashruuca waxbarashada ee laga wado Degmada Allaybaday.

Shirnadeed waxaa lagu soo bandhigay Xisaabxidhkii Sannadkan oo ahaa, sannadkii ugu fiicnaa muda 3da sanadood ee uu jiray ururku.

Nr:

Laamaha

Wadar 2005

 Wadar 2006

Wadar 2007

1

Somaliland

 $ 800

 $ 1200

$ 7040

2

Norway

 $ 2000

 $ 5100

$ 8560

3

London

 $ 1000

 $ 2400

$ 5900

4

USA

 $ 2000

$ 3700

$ 5450

5

Birmingham

 $ 1200

 $ 2175

$ 4550

6

Finland

 

 $ 100

$ 1345

7

Bristol

 

 $ 150

$ 950

8

France

 

0

$ 550

9

Sweden

 

 $ 400

$ 1000

10

Denmark

 

 $ 100

$ 650

11

Malaysia

 

0

$ 400

12

Canada

 

0

$ 520

13

Japan

 

0

$ 300

14

Yemen

 

 $ 100

$ 300

15

Saudi Arabia

 

0

$ 250

16

Cardiff

 

 $ 100

$ 200

17

UAE

 

0

$ 150

18

DJIBOUTI

 

0

$ 400

 

 

 

 

 

 

Wadar

$ 7000

$ 15625

$ 38615

 

Sida Xisaabxidhka UHWA ee sannadkan 2007 ka muuqata, waxaa sannadka Jaaliyada reer Allaybaday ee Qurbaha joogtaa iyada oo la gaashananaasa gudida gudaha ka jirta ay soo direen, Lacag dhan $ 38615 oo dollar, lacagtaa oo lagu qabtay:

  1. Mushaarada 34 macalin oo si joogta loo siiyo bil kasta

  2. Dayactir dhismihii Madarasada Allaybaday

  3. Dhismayaashii qolalka Feedinga Centre. dhamaan 11 Dugsi ee Degmada ka jira.

  4. Deeqaha Degdega ee Dugsiyadu u baahdeen.

Maxaa u qabsoomay sannadka 2007 ururka UHWA

Dhismihii Cusbaa ee Dugsi Sarre ee Allaybaday, 05.Oct.2007

UHWA waxaa u qabsoomay dhinaca dhismayaasha, afar dugsi ayaa loo dhisay, kuwaas oo kale ah:

  1. Dugsiga Sarre ee Allaybaday

  2. Dugsiga Hoose ee Laayo

  3. Dugsiga Hoose ee Taysa

  4. Dugsiga Hoose ee Geed Abeerah.

Qorshaha sannadka 2007 ee ururka UHWA.

Waxaa uu ururuku go,aan ku gaadhay in saanadka soo socda laga midho dhaliy qodobadan soo socda:

  1. Dhismihii Boardinga ee Dugsiga Sarre ee Allaybaday,oo la bilaabayo 01.jun.2008

  2. Dhismo in loo hello 4 dugsi ee  bilaa dhismaha ah.

  3. Macalimiinta oo la kordhiyo, maadama ay caruurtii badatay, mushaarka sidii 3 sanno hore uun loo wado.

Sannadka 2008 waxaa ku soo kordhaayaa mashruucan:

  1. Maamulka Degmada Allaybaday oo bixinayaa bishiiba 5 macalin mushaarkooda

  2. Ganacsada Magaalada Wajaale.

Dhinaca kale waxaa Xalfadu waaweyn lagu qaybtay dhamaan Jaaliyadaha ka qayb qaatada mashruucan waxa loogu qabanaayo degmadii Allaybaday.

Hoosta waxaa ku arkasaan,, Xalfadii sannad guurada iyo shirarka loo qabtay safarkii Mr. Bakaal.

 

Shirweynihii Laanta Norway.

Sawiradii Shirarkii dhamaan ka dhacay laamaha ka daawo. website ururka: www.allaybaday.com

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com