|
Kulan balaadhan
oo Hargeisa ka dhacay, dhamaan laamaha UHWA Somaliland.
15.01.2008 (Sawiro) |
Dib Unoqo |

Sawirka sarre:
W/K: Ahmed A. Cagedable, Gudoomiye: A/asis SAMALE iyo Xubin UHWA
London: Mohamed Aw Dahir.
Qado sharaf uu soo abaabulay Guddoomiyaha UHWA
Somaliland Mr. Ahmed Abdi Bakaal ayaa dhamaan waxa kasoo qayb
galay qaar ka mida qurba joogta, siyaasiyiinta, odayaaasha,
aqoonyahanada iyo Suldaanka kasoo jeeda Degmada Allaybaday,
kulankan oo ka dhacay Hotel Maansoor oo ay ujeedadiisu ahayd
xogwaran wixii uu Gudoomiyaha Ahmed Abdi Bakaal uu ku soo arkay
Safarkiis u dhawaan ugu baxay jaaliyadaha UHWA Norway iyo UHWA
UK.. Qada sharaftii kadib waxa fadhi la iskugu tagay guriga
gudoomiyaha Guud ee UHWA MR. Ahmed Abdi Bakaal taasoo uu
guddomiyuhu uu aad uga mahadnaqayd dhamaanba dadkii kala duwanaa
ee uu la kulmay intii uu ku jiray safarka shaqo iyo is xaal
waraysi guud oo ku saabsan sidii loo midaynahaa aqoonta iyo
waxqabadka Degmada Allaybaday.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in loo baahan
yahay in fadhiga laga kaco oo waxqabadka degmada loo qabanayo la
libinlaabo.
Waxa kale oo ka hadlay Dr. Mohamed Aw Daahir oo
aad u xusay ama dhaliilo kazoo jeediyey meelo fara badan iyo
isku xidhnaan la’aanta xaga waxqabadka ee degmada oo aynu meelo
fara badan aynu kala mid nahay dhamaanba reer Somaliland sida
mushaar la’aanta macalimiinta xaga dawlada, dhamaanba
qaab dhismeed la’aanta xaga waxbarshada ee degmada (in terms of
government structure), macalin u dhiga 80 arday iwm.
UHWA dab waxbarasho ayey shiday oo baxaaya
laakiin sidii la doonayey loogama faa’iidaysanayo xaga
bulshadeena ama dadkeenaba oo waxa weeyaan in gudaha abaabul
dhaqaale oo adag laga sameeyo ayey ahayd. Waxa jirta dhibaato
xaga waxbixinta ah marka tusaale ahaan London oo kale lagasoo
ururinayo $ 10 doolar way adag tahay sida ay dadku ku
bixinayaan, waxa haboon in dhaqaale ururin gudaha ah lasameeyo
oo aan dibada uun wax lagu halayn sida:-
-
Ganacsatada degmada ee
waaweyn.
-
Beerolayda
-
Xoolaleyda
-
Tukaanleyda.
Waxa kale oo isna ka hadlay
Wasiirka oo tilmaamay in lagaga hadlo waqabadka Degmada
Allaybaday shirka wasiirada Jamhuriyada Somaliland oo ay ka
hadleena Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka
Beeraha oo aynu manta tusaale u nahay dhamaan degmooyinka kale
oo la yidhaa waar bal sida Degmada Allaybaday oo kale wax u
qabsada oo maanta khudrada ka soo baxda Degmada Allaybaday loo
raro meel kasta oo Somaliland ah iyo wadamada aynu jaarka nahay
sida:- Ethiopia, Djibouti.

Waxa uu wasiirku hadalkiisii
kusoo gabagabeeyey “wixii inaga dhiman inaga oo gacmaha is
haysana aynu ka codsano kolba ciddii ay khusayso”.
Waxaan isna hadalo dardaaran ka soo jeediyay
Gudoomiyaha ku xigeen kowaad ee Golaha wakiilada Somaliland.
Mudane A/Asis Mohamed Samaale.
Waxa kale oo isna hadlay Aw
Abdilaahi oo dhinacyo farabadan ka hadlay sida waxbarshada,
xaalada dadka Degmada Allaybaday kana jawaabay sababaha ay ku
timid in aan xaga tacliinta loo dadaalin mudooyinkii hore
kadibna ku booriyey kazoo qayb galayaashii shirka:
-
Waa in tawfiiqda UHWA dibada
oo kale laga abuuraa gudaha.
-
Waa in dhaqaale ururin
gudaha Somaliland oo dhan ah lasameeyo.
Waxa kale oo isna kahadlay
Cali Hassan (Cali Gobanimo) oo mahad dheer u soo jeediyey
guddida UHWA guddo iyo dibadba iyo sida ay hawsha u wadaan waxa
kale oo uu dhaliil u soo jeediyey abuuritaan la’aanta sanduuq
dhaqaale oo gudaha ah taasoo ay marar badan ay isla soo qaadeen
guddidii hore ee UHWA Somaliland.
Waxa kale oo isna ka hadlay
jaamac Daa’uud oo dhinacyo badan ka hadlay siiba xaga
waxbarshada iyo baahiyaha faraha badan ee guud ahaan xaga
degmada jira.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka
hadlay oo uga waramay kasoo qaybgalaayasha kulanka Guddida UHWA
Somaliland Ismail Abdi Yonis, Dayib Mohumed Odowaa iyo
Cabdilaahi Mohumed (Huuno)oo kawaramay halka ay waxbarashada
Degmadu marayso iyo waxa ilaa hada qabsoomay sida dhismayaasha
iyo buugaagta dugsiyada iyo guud ahaanba horumarka la gaadhay
iyo waxa hawlaha ka socda iyadoo halkaa ay guddidu ka cadaysay
tirada macalimiinta, ardayda, qaadhan bilow ah oo laga qaado
shaqaalaha degmada ka soo jeeda ee ka shaqeeya Hay’adaha
qaarkood iyo baahiyaha ka jira ee la doonayo in wax laga qabto
mustaqbalka dhow iyo ka dheerba loona baahan yahay in guntiga
dhiisha la iskaga dhigo oo wada jir wax loo qabto.
Suldaan Ahmed/Nuur ayaa soo gabo gabeeyey isagoo
ku bilaabay “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala
guraa”.
Jaaliyadaha UHWA ee dibada iyo
UHWA Somaliland mahad balaadhan ayaan u soo jeedinayaa oo
xilkoodii ayey kasoo baxeen, Allaybaday ilaa Ethiopiyana waa
lamid oo wixii tacliin lahaa way ka yimaadeen waxna way
qabsadeen. Dhaliisha ugu wayni waa dadka reer Hargeysa laga
bilaabo aniga oo halkani waa halkii aynu ugu badan nahay
dhaliishiina halkanay taalaa cid walbana ha ahaatee, baahiduna
meel walba way taalaa ee arin aynu helno, wado malihin, guryo
kuma lehin, qoladii miinadu (Halo Trust) way baxeen oo Sahan
(survey) ayey ka sameynayaan Degmada oo waxay ka bilaabeen Carro
yaambo iyo Arabsiyo.

Waxa uu
suldaanku hadalkiisa kusoo gabo gabeeyey “Reer hargeysow sedan
aynu wax ka badalno oo aynu nimcada aragno oo talo aynu iskula
noqono” oo bal aynu Khamiis kasta isku nimaadno Kulan laga
arinsanaayo Horemarinta Degmada, kaas oo ay ka soo qaybgalayaa
dhamaan siyaasiyiinta iyo aqoonyanada Degmada ayuu hadalkiis ku
soo gabagabeeyay Suldaanka Guud ee Degmada Allaybaday, Suldan
Ahmed Nuur A/Lahi Samaale.
Maxaa
ka taqaana ururka UHWA:
-
Ururka UHWA (Ururka
Horemarinta Waxbarashada ASAASIGA/ALLAYBADAY) oo
la aasaasay dabayaaqadii 2004 ta, waxaa la mid ah ururkan 18
Jaaliyadood. Waxaana ka Waxa uu gacanta ku hayaa 11
Dugsi oo ku yaala degmada Allaybaday ee Gobolka Hargeisa.
Sannadkii 2005 wuxuu ugu deeqday waxbarashada Degmada lacag
dhan $ 7,000 oo dollar, Sannadkii 2006 kii lacag dhan $ 15
625. Sannadkii 2007 lacag dhan $ 38,615. oo dollar, waxa kale
oo dhisay 4 Dugsi oo uu ku jira Dugsiga sarre qaybta hore.
Sannadkan hada lagu jira ee 2008 waxa uu gacanta ku hayaa
dhismaha Dugsi Sarre oo Boarding ah oo loo dhisaayo Degmada oo
ku kacaa lacag dhan $ 120,000 oo dollar.
Degmada
Allaybaday waxay ku taalaa qiyaastii
80 KM koonfur galbeed ee caasimadda Jamhuuriyada Somaliland ee
Hargeisa. Degmada Allaybaday waxay caan ku tahay harooyin ama
balayo ugu waaweyn Somaliland oo dhan, kuwaas ay u isticmasho
dhinaca beeraha. Waxaa ku yaala togag waawayn oo ay biyuhu ku
rogmadaan xiliyada gu’ga iyo dayrta. Degmada Allaybday waxaa
Degmo loo aqoonsaday sanadkii 2002. Bulsho weyn Degmada
Allaybaday waxay jihaad weyn ugu jiraa sidii Degmadu u helli
lahay waxyaabaha u aasaasiga ah nolosha dadweynaha ku nool
Degmada.sida waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta,
shaqo-abuuris iyo Biyaha. Degmada Allaybaday waxaa hoos yimaado
ugu yaraan 20 tuulo oo aad ugala fogfog.
Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |