Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

 

Dib Unoqo

 

WARAYSI AAN LA YEESHAY MAAMULAHA DUGSIGA SARE EE DEGMADA ALLAYBADAY.

                                        ‘’MAXAMED AADAN DAAUUD’’

                

1. S. Maamule waxa aad  marka hore  warbixin kooban naga siisaan tirada ardayda dugsiga sare waa imise? Laakiin imisa ayaa hablo ah? 

J. Hadii aan kaaga waramo Tirada guud ee ardayda dugsiga sare waa 18 arday, waxaana hablaha 4 hablood.

2. S. Tirada aad sheegtay waa tiro kooban ee maxaa sobob u ah baad umalaynaysaa?Marka loo eego ardayda dhigata D/H/DHex ee degmada?

Runtii haa waa tiro aad u yar waayo waxa aad ogtahay in uu sanadkan dugsiga sare ka bilaabmay degmadeena, Sidaas owgeed tiradan hada dhigata iskuulku waa fasalkii 8sideedaa ee kazoo baxay dugsiga H/Dhexe ee SH.AXMED  QAALIB oo kaliya oo waliba ay ardayi kabadalatay dugsiga intii aan  lafurin dugsiga sare.Waliba waxa kale oo waheliya tiradan 18 ka ah, Arday hore oo duruuftu usaamixi wayday in ay waxbarasho meel kale u tagaan, kana mida ardaydan dhigata hada iskuulka

3. S. Waxa aad nooga warantaa Xaalada dugsiga sare iyo sidda ay waxbarashu usocotoba? 

J. Xaalada dugsoga sare aad bay u fiican tahay inkastoo ay bilow tahay.Waxaanad lasocotaa in fasalkan dugsiga sare isku meel gaadha  loogu dhigo fasal kamida dugsiga hoose dhexe.Dhinac waxbarashada haddii aan kawaramo waxaan odhan karaa aad iyo aad bay u fiican tahay .waxaanay maraysaa meel wanaagsan.                      

4. S. Imisa Macalin ayaa dhiga dugsiga sare?

J. Dugsiga sare waxaanu ku dhignaa afar Macalin oo kala ah siddan:

1.     Maxamed Aadan Daauud( Maamule)

2.     Maxamuud C/laahi Cilmi( dhamac)

3.     C/fatax Sh. C/laahi Cali

4.     C/qani Mataan Gaaxnuug

 

5.    

 

S . Macalimiinta ayaa Mushaarka siiya.? 

J. Macaliintu waxa ay Mushaarka ka helelaan laba dhinac marka laga reebo hal macalin.Labadaasi dhinac oo kala ah: Dhinac Jaaliyadaha kasoo jeeda degmada iyo Wasaarada waxbarasha ee JSL. Macalinkaana waxa aanu rajaynaynaa in ay dhawaan wasaaradu u bilowdo gunada. 

6.   S. Dadka deegaanku siday usoo dhaweeyeen dugsiga sare, Laakiin wax caawima ah ma ka heshaan? 

 J .Haa runtii dadka deegaanku aad iyo aad bay ugu farxeen wayna soo dhaweeyeen.waayo baryihii hore waxa ay waalidiintu kala kulmi jireen dhibaatooyin fara badan sidii ay caruurtooda ula heli lahaayeen waxbarasho dugsi sare. Waxa kale oo iyana jirtay waalidka lahela meel uu geeyo ilmihiisa in hadana  ay lumi jirtay ka warhayntii  waalidka.Taasina ay keentay in arday fara  badan ay waxbarashadoodii ay luntay.sobobahaasi awgood  ayaya dadku usoo dhaweeyeen dugsiga sare ee cusub. Inkastoo aanaan ka helin waxa caawima ah oo la taaban karo. 

7.S.Waxa aad nooga warantaa baahiyaha  aasaasiga ah ee haysta dugsiga sare?

J. Baahida ugu wayn ee haysata dugsiga sare waxa kamida:- Dugsiga oo aan wali lahay dhisme ugaara,iyo Kaabayaashii waxbarasho oo ku xidhan dhismaha dugsiga kuwaasi oo ay ka mid yihiin Labkii iyo libararygii dugsiga.Waxa kale oo yar Macalimiinta dugsiga waayo  Macalinka dugsiga sare ugu badnaan waa in uu laba xiiso dhigaa

8.S. Maamule xilkan Maamulenimadu waa kugu cusub yahay, Siminaarna waa kasoo laaba tahay muddadan aad ahayd Maamulaha markaasi warbixin naga sii?

J. Haa waan ku cusubahay Maamula nimada  Waxaana iiga horeeyay Maamule kale,Hadii aan ka war bixiyo  dhinaca siminaarka, Siminaarka waxa igu marti qaaday Wasaarada waxbarasha gaar ahaan Xafiiska  isku xidha dugsiyada sare ee dalka, waxaanu simaarku ahaa simaar aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Gudoomiyayaasha waxbarashada ee gobolad iyo Degmooyinka  iyo Maamuleyaasha dugsiyada sare ee dalka. Waxaana lagaga hadlaayay wax yaabo fara badan oo khuseeya horumarka waxbarashada. Iyo kor uqaadista dhinac Maamulka ee dugsiyada sare ee dalka.

9. S.  Jaaliyada dibada iyo ta gudaha  iyo dhamaan dadka ku hawlan waxbarasha degmada maxaad usoo jeedin lahayd?

J. Marka hore waxa aan salaann qaaliya udirayaa  jaaliyada dibada. Waxa aan  mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa Jaaliyadaha dibada  oo ah kuwa suura galiyay  horumarka balaadhan ee muuqda dhinac waxbarasha. Waxa kale oo aan mahadnaq balaadhan gudida gudaha oo ah fulinta hawlan horumarka leh. Waxaanan dhamaantood usoo jeedinayaa in ay dadaalkooda halkaasi kasii wadaan, Waayo waa bilow wanaagsan  (well begun is half done)markaas halaa kasii wada hana ka daalin dadaalkiinan fiican. Waxa kale oo iyana tallo  usoo jeedinayaa Dhalin yarta waxbaratay ee jooga dalka gudihiisu in ay dadkooda wax u faaideeyaan, Wakhtigoodana badh u huraan horumarinta deegaankooda ee xaga  waxbarashada. 

 

 

BY: ISMAEL ABDI HILQAD

   ALLAYBADAY SOMALILAND

TELL: 002522357702

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com