Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

FAALLO: Xaalada biyo la,aanta iyo Fedeexada ka jirta Ceelka biya ee  DEGMADA ALLAYBADAY ee Gobolka Hargeisa , ALLAYBADAY. 09.0.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Degmada Allaybaday ee gobolka Hargaysa oo  hore uga tirsanaan jirtay Degmada Gabiley,ayaa waxa Degmonimo loogu dhawaaqay February 2002 tan iyo xiligaasi si tartiib tariib ah ayay Degmada Allaybaday kor ugu soo kacaysay maalinba maalinta ka danbaysa, hadaba Talaabadan horumarka ah ayaa ay tahay mid loo nisbayn karo dadwaynaha deegaanka Allaybaday, haddii aan xuso dhinacyada Ay horumarka ka samaysay waxaa ka mid ah Waxbarashada oo dhamaan laga aasaasay toolooyinka hoos yimaada Degmada Allaybaday taasi oo ay  hirgaliyeen Ururka horumarinta waxa barashada Allaybaday( UHWA)

Dhinaca kale ee ay Allaybaday horumarka ka samaynayso waxa weeyi xaga beeraha, oo sanadba sanadka ka danbeeyay ay sii horumarinayaan  waxsoosaarka  iyaga oo usiiyeelanaya khibrad,

Hadaba tan iyo intii ay allaybaday Degmada ahayd waxa isaga danbeeyay saddex Maamul, Maamuladaasi  oo ay soo magacowday  Wasaarada Arimaha Guddaha JSL, madaama ayna Degmadu lahay Gole degmo wali. inkasta oo maamuladaasi isaga danbeeyay xilka maamulnimo ee Degmada Allaybaday aan odhan karno waxa u dhaxeeya faraq, faraqaasi oo ah  halka labadii Maamul ee kan ka horeeyay ay gacan ka gaysan jireen baahiyaha aasaasiga  ee dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka  oo ay gunooyin siin jiren Macalimiinta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka inta aan ka gunaysnayn wasaaradaha.

Hadaba Degmada Allaybaday oo dakhli fara badani kazoo galo dhinac xoolaha nool iyo dhinac  beeraha ayaa waxa ay tahay mid uu dakhligaasi  isasoo tarayo labadii sano ee u danbeeyay, wallow la odhan karo  dakhligaasi  sidii loo baahnaa wax loogu ma qaban oo baahiyihii aasaasiga ahaa ee aan kor kusoo xusnay meesha way ka baxeen intii uu xilka hayay Maamulkan xiligani, hadaba Maamulkan ayaa isu qaba in uu horumar balaadhan ka sameeyay Degmada, isaga oo ku faana hawlaha aasaasiga ah ee ay fuliyaan dadka deegaanku  sidda waxbarashada oo ay gacanta ku hayaan UHWA  oo ay waheliso wasaarada waxbarashada dalka,

Hadaba haddii aynu u soo laabano xilgani iyo xaalada Allaybaday  ayaa waxa ay tahay mid ay soo food saartay jiilaal adag iyo biyo xumo ka dhalatay balayadii waawaynaa oo gudhay kadib markii ay ku wax yeeloobeen gugii hore roobab waawayn oo ka da’ay deegaankan, taasina ay keentay in dadkii iyo xoolihiiba ay ku kulmaan ceelka Dameera-Boob oo u jira Magaalada 5km dhinaca Galbeed, sikastaba ha ahaatee ceelkan oo ah ceel biyo dhaanan oo adag leh yaa xiliyadii hore ee ay balayada biyuhu ku jireen ka cabi jireen xooluhu, inkastoo ceelkani leeyahay qasabado keeni jiray biyaha Magaalada balse khasaare ka soo gaadhay roobabkii kalhore, ayaa ah qaar aan habayaraateen waxba laga qaban taasina ay keentay in dadwaynaha ku nool Magaalada Allaybaday ay dareemaan biyo xumo ka dhalatay qasabadahaasi go’an,oo haddii xil la iska saari lahaa si fudud wax looga qaban lahaa.

Hadaba  riigani oo ay ka cabaan dad iyo duunyo farabadani  ayaa waxa uu hada isticmaalaa Hal Ijin(EGINE) kaasi oo sidda uu ii sheegay mid ka ah shaqaalaha ceelku yidhi lama bakhtiiyo Ijinkan 24 saacadood, inkasta oo  ceelkani hore loogu deeqay Ijin kale oo ay siisay Haayada UNHCR ayaa aan marna la gayn Ijiinkaasi loogu deegay ceelka balse ay isticmaalaan Dad ka ganacsada Laydhka Magaalada Allaybaday oo uu siiyay dadkaasi Maamulka degmadu, waxa kale oo aan waydiiyay shaqaalahaasi aan  kula kulmay ceelka in ay kala hadleen Maamulka Degmadu in uu keeno Ijinkani loogu deeqay ceelka si loogu nasiyo kan hore, waxaanu iigu jawaabay waxaanu u sheegnay Mar uu Gudoomiyaha Degmadu ceelka noogu yimid waxaanu noogu balan qaaday in uu soo qaadi doono Ijiinkaasi, balse waxa aanu Maqalay in uu Hargaysa tagay.

Waxa kale intaa dheer in qasabadihii magalaada Allaybaday biyaha keenay ee uu roobku soo saaray loo iib keeyay dalka Ethiopia, taas oo hadala hayn weyn iyo dareen cadho leh ku abuurtay dadka biyo la,aanta xumi ku hayso degaanka Allaybaday.

 Waxa sheegid mudan dhibaatada biyo la’aanta ka taagan Allaybaday iyo Moogaansha Maamulka Degmada oo tahli waayay in uu soo iibiyo 6 qasabadood kuwaasi oo daryeeli lahaa umada ku nool magaalada Allaybaday oo haatan laga siiyo foostada biyaha ah 15000 s/l una dhiganta $3 ama 30 bir oo itoobiyaan ah, halka biyaha laga qaado Allaybaday Wajaale marka ay tagaan lasiinayo 25bir ilaa 30 bir, taasi oo ku tusinaysa Maamul xumada ka jirta Degmada Allaybaday.

Waxa kale su,aal iyada meesha ku jirtaa, dakhliga weynee maalin kasta ka soo baxo labada ceel ee ku yaala degmada Allaybaday, halkuu maraa, mise ma loo dhigaaa lacag ceelka lagu dayac tiro ?

Ugu danbayntii su’aasha mudan in la iswaydiiyaa waxa ay tahay goorma ayuu Maamulka Degmada Allaybaday Ogaandoonaa xilka kasaaran umada uu Masuulka ka yahay?

 

 

Lasoco qaybo kale.

 

 

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com