Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

XOGHAYAHA JAALIYADA MARAYKANKA  OO KORMEER KU SOO MARAY ISKUULADA DEGMADA  ALLAYBADA, ALLAYBADAY. 13.March.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Ingineer Muse Abdi Ali (Dakir), Sh. A/Nasir Macalin Yusuf, A/Nasir Yusuf Aw Cali

Xoghayaha Jaaliyada Maraykanka  Mr. C/naasir Yuusuf Aw Cali  oo ay waheliyeen  xubno ka mid ah Guddida Madarasada Alfurqaan ee Allaybaday iyo Xubin ka mid ah Guddidii hore ee UHWA Somaliland ee gudaha  ayaa kormeerkaasi ku  yimid Degmada Allaybaday iyo dhamaan 11 dugsi ee UHWA gacanta ku hayso.  hadaba mar aan kula kulmay Magaalada Allaybaday oo aan la yeeshay waraysi kooban waxa ay ii sheegeen in iskuuladaasi ay soo mareen ay  waxbarashadu usocotay si fiiican dhamaantooda. Waxay ii sheegeen in Markuu Xoghaye A/Nasir noqdo uu siin doona warbixin dheer qurbo joogta.

Waxyaabaha ay iiga sheegeen kormeerkooda waxaa ka mid ah, in waxbarashada Degmado ay maraaso meeshii ugu fiicnay waligeed, maalinba maalinta ka danbaysa ay ardayda iyo tayada waxbarashaduba ay soo hagaagaso, waxay ii xuseen in meelaha qaarkood macalimiintu aad ugu yar tahay, sida:

1.     Gees Dheere, oo ugu yaraan macalin dheeraada

2.     Geed Abeerah

3.     Xidhanta oo u baahan ugu yaraan 2 macalin

4.     Taysa

5.     Hoose/Dhexe Sh. Ahmed qaaliba oo dhismo loo dayactiro iyo macalimiinta dheeraad u baahan

6.     H/Dh AlFurqaan Allaybaday oo iyada u baahan macalimiin dheeraad iyo Dhismihii oo aan waliga wax laga qaban, maadama lacagtii Qurbo joogta ugu deeqday iyo Qadhaankii gudaha oo aan gaadhi meeshii wax lagu bilaabi lahaa. 

Warbixin oo dhamays tirin waxaa idiin soo diri doona Xoghaye A/nasir markuu USA ku soo noqdo. 

Dhamaan xubnahaa kormeerka soo maray waxay xuseen in baahida ugu weyn ee dugsiga degmada haystaa ay tahay macalimiinta oo ku yar dugsiyo badan.

Jaaliyada dibada waxay ku booriyeen, in Jaaliyad waliba waxay kordhin karto kordhis.

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com