Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

ROOBOB DHIBAATOOYIN GAADHSIIYAY DEG. ALLAYBADAY

Dib Unoqo

 

Waxa labadii maalmood ee u dan beeyay ka da’ayay degmada allaybaday roobob la xaadleh kuwaasi oo gaystay khasaare  balaadhan kaasi  saameeyay Xoolo iyo dhulbeereed aad  ubalaadhan kuwaasi oo ay ka mid yihiin balayaddii waawaynaa ee biyaha kaydin jiray, Kuwaasi oo ay degmadu  caan ku ahayd  taasi oo ay dadka nololshooduna ku  tiirsanayd,

Khasaare

Ø      Waxa   uu dhamaan roobku burburiyay dhamaan balayaddii degmada  marka laga reebo dhawr balay.

Sidoo kale waxa uu daadku qaaday Abuurkii ku jiray dhulka, sida Tamadii, Basashii, Kabashkii, Xabxabkii,  Saladhkii iyo WIM, Sidoo kale waxa uu daadku baabiyay dhulkii loogu talagay Saraca. Dhulkaasi oo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay ay dadka deegaanku ku hawlanaayeen.

Khasaarahaasi oo gaadhsiisan laga bilaabo Waaddi Xoor ilaa Wadda dhibiiq.

Sidoo kale waxa uu khasaare ugaystay Xoolaha nool,

 

Dhibaatooyinka kale ee ay gaysteen daadadkaasi waxa  kamida ah

 

Waxa  uu khasaare ka soo gaadhay daadadkaasi qaar ka mida goobahai  ganacsiga. Sida :- Bakhaarada , Tukaanada, Bacadlayaasha,  iyo Bakhaaradii Hadhuudhka lagu kaydin jiray,

Sidoo kale waxa laga barakacay qayba ka mida magaalada kadib markii daadad xoogani ay ugu galeen guryahoodii si lama filaan ah.Kaasi oo qaaday adeegyadii kala duwanaa ee guryahaasi,Kaasi oo dadkaasi ku kalifay in ay guryahoodii ka barakacaan dulsaarna ku noqdaan xafaadaha kala duwan ee magaalada,Waxa xusid mudan in meelaha aadka  looga barkacay ay kamid yihiin xafaadaha u xiga Toga kuwaasi oo qaar ka mida uu ku daray Toga, qaar  kalena ay dumeen.

 

Fiiro gaar ah:­

Waxa aad looga cabsi qabaa  Roobob kale in ay da’aan kuwaasi oo aad uuga siidari kara xaalada , iyada oo la   joogo gu’  madaxii cirkuna aad u buuxo ama giglan yahay daruuruhuna  ku gadaamanyihiin,Taasi oo ay Balayadii biyaha ka qaban jiray magaalada ay baaba yihiin, biyuhuna ay si sahlan usoo gali karaan magaalada.

 

 

 

By: ISMAIL ABDI MUXUMED

 

ALLAYBADAY, SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com