Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

BUDHCAD BAABUUR AFDUUBTAY OO LAGU QABTAY DEEGAANKA  HARTA SHEEKHA EE KILILKA SHANAAD EE ETHIOPIA. 28.March.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Budhcad baabuur ka soo afduubtay magaalada Hargaysa afar habeen ka hor ayaa lagu qabtay deegaanka magaalada Harta Sheekha ee  KILIKA Shanaad ee Itobiya, hadaba nimankan budhcada ahaa ayaa  qabashadooda ka hawl galeen Ciidamada Booliska Degmada ALLaybaday oo ay horkacayeen Giddoomiyaha iyo Taliyaha Degmada Allaybaday ayaa waxay muddo laba habeen ah ugu maqnaayeen deegaanka Harta sheekha  haalkaas oo ay nimankan budhcada ahi u fakadeen. kuwaasi oo baabuurkii kaga yaacay meel woxogaa u jirta magaalada Durya kadib markii dad Deegaanka ahi garteen baabuurka oo ay lahayd Haayada Wadaniga ah ee Xuquuqul Insaanka ee SHURO NET, ayaa ahaa baabuurta yaryar ee loo yaqaano mark2 LJ

Dadkaasi  gartay baabuurka ayaa ka war hayay baadigoobka loogu jiray baabuurkaasi  ayaa markii ay isku dayeen Budhcadaasi  in ay sigaar ka iibsadaan Tuulada la yidhaahdo Durya oo Koonfur kaga toosan Allaybaday ayaa dadkii tuuladaasi isku dayay siddii ay u qaban lahaayeen Baabuurka  balse waxa ay ka baqeen in ay budhcadaasi hubaysan tahay,kadibna waxa dareen galay budhcadii oo isku dayday in ay baxsadaan balse waxa baabuur kazoo daba kaxaystay dadkii joogay durya  xaga horena waxa kaga yimid booliska Allaybaday,kadibna waxa baabuurkii ka cararay Budhcadii wadatay iyada oo wakhtigaasi ay ahayd goor habeen ah ayaa ay u suuro gashay  budhcadaasi in  firxadkii ku galeen Magaalada Harta Sheekha,kadibna hawlgal ay wada sameeyeen  Degmooyinka  qabribayax, Aw bare iyo Booliska allaybaday ayaa lagu soo qabtay nimankaasi, nimankaasi oo ahaa 4 nin balse   la soo qabtay saddex ka mid ah budhcadaasi  ayaa mar aan maanto tagay saldhiga booliska Allaybaday oo ay ku xidhnaayeen  uu iigu sheegay taliyaha saldhigaasi Mr. C/LAAHI CAYDIID ODOWAA,magacyadooda

1.     AXMED MAXAMED MAXAMUUD(GUUN)

2.     NAASIR C/LAAHI CIGE

3.     FASAL AADAN SAXAR

Waxaa xusid mudan in Wiikan dhexdiisa lagu qabtay Magaalada Wajaale oo Budhcad badeed ka timid maamulka Pundland.

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com