|
WARAYSI
AAN LA YEESHAY MAAMULAHA DUGSIGA H/DHEXE EE SHEEKH AXMED QAALIB,
Allaybaday.
05.April.2008 (Sawiro) |
Dib Unoqo |

Maanta mar aan kormeer ku tagay
iskuulka Sh. Axmed Qaalib waxa aan u kuur galay sidda ay u
socoto waxbarashada Dugsigaasi, waxaanan waraysi la yeeshay
Maamulaha Iskuulkaasi, Mr. Ahmedqani
Sh. Maxamuud Ali oo iga waramay sidda ay u socoto
waxbarashada iskuulkaasi waraysiguna waxa uu u dhacay sidan:
1.
S. Maamule waxa
aad ka warantaa guud ahaan xaalada iskuulku sida ay tahay
xiligani?
J. Xaalada iskuulku aad ayay u
fiican tahay wakhtigan sobobtoo ah waxa isku sargo’an
Macalimiinta iyo tirada Galaasyada sidaasi daraadeed aad ayay u
wacan tahay xaalada iskuulku xiligani.
2.
Waxa aad mudane
Maamule ii sheegtay in ay isku sargo’an yihiin Macalimiinta
iskuulka iyo tirade Galaas yadu markaasi imisa Macalin ayaa waxa
ka dhiga Iskuulka?
Iskuula waxa wax ka dhiga 9 macalin
oo ay macagyadoodu kala yihiin sedan:-
1.
Maamule AXMEDQANI
SH. MUXUMED CALI
2.
M/XIGEEN FOOSIYA
SH. AADAN AAMIN
3.
CABDI AW AXMED
XASAN
4.
C/RAXMAAN SH.
C/LAAHI MUXUMED(AW GAAB)
5.
CABDI AW MAXAMED
ISMAACIIL
6.
JAMAAL DAAUUD
FAARAX
7.
MAXAMED AXMED
CIGE
8.
MAXAMED BAARUUD
MADAR( AFRIKAN)
9.
SALEEBAAN MAXAMED
MADAR
Waa sidaasi macalimiinta iskuulka
waxa ka dhigtaa.
3.S. Tirada ardayda iskuulka ka
waran iyo sidda uu iskuulku horumar uga samaynayo xaga korodhka
ardayda?
J. Runtii iskuulku waxa uu ku
talaabsaday horumar mudadan uu UHWA gacanta ku hayay taasi oo
aanay maalina maalin ku daraynin korodhka ardayda iskuulku,
hadaba xiligan iskuulku waxa ay tiradiisu maraysaa 600 arday oo
kala ah 390 wiil iyo 210 hablood.
4. Waxa jirtay in macalimiinta
iskuulka ay mushaarka siin yaan jaaliyadaha kazoo jeeda degmada
Allaybaday hadaba xiligani majiraan dhinac wasaarada waxbarasha
JSL macalimiin laga guneeyay oo mushaarka qaata wasaarada?haday
jiraan waa imisa macalin?
J. Horta hore iskuulkan waxa ka
gunaysnaa hal macalin laakiin sanadkani waxa ay wasaaradu
gunaysay 3 macalin oo kale, waxa kale oo jirta in ay wasaarada
waxbarashadu balanqaaday in ay gunayso 20 macalin oo
dhamaantood waxa ka dhiga iskuulada degmada, 20 tankaasina waxa
aanu ka iskuul ahaan ka helay 5 macalin taasi oo haddii alleh
yidhaahdo ay wada gunaysmayaan dhamaan macalimiintii iskuulku
taasi oo mooraalkii macalimiinta kor u qaaday, ka macalimiin
ahaana aanu aad ugu mahad naqayno wasaarada waxbarashada JSL
iyo dhamaan cidii kale ee ka shaqaysayba hawshaasi.
5. Baahiyaha iskuulka haysta Maxaa
ugu wayn xiligani?
J. Iskuulka waxa haysta baahiyo
dhawr ah oo u baahan in wax laga qabto, sidda dhismihii hore ee
iskuulka oo burbur fara badani ka muuqdo oo u baahan in hore loo
dayac tiro iyo in iskuulka loo sameeyo dayr dadka iyo xoolahaba
ka celiya,iyo in iskuulka lagu soo biiriyo laba galas taasi oo
uu samaysan yahay seeskii hoose si sanadka danbe aanay u dhicin
in ardaydu geedaha wax ku hoos dhigtaan ayaa loo baahan yahay in
la iska kaashado dhismaha labadaasi Galaas.
6. S. Maamule waxa aad sheegtay in
uu dumayo dhismihii hore ee iskuulku markaasi arrintaasi dayac
tirka makala hadasheen Maamulka Degmada iyo dadka deegaanka si
dayac tir loogu sameeyo dhismahaasi laga cabsi qabo in uu
ardayda ku dumo?
J. Runtii waxa aanu kala hadalay
Maamulka degmada dayactirka iskuulka waxaanu nagu yidhi u dira
farsamayaqaan soo qiimeeya, kadib waanu u dirnay farsmayaqaankii
oo qiimayn ku sameeyay iskuulka, kadib waxa aanu ka samaynay
qoraal qiimayntii uu farsamayaqaanku sameeyay taasi oo aanu u
kala dhiibnay Maamulkii howsha noo diray iyo Xoghayaha UHWA oo
aanu isna mid u dhiibnay iyo guddida iskuulka oo aanu iyana mid
siinay, intaasi kadib waxa uu Maamulkii nagu yidhi ma awoodo
xiligani in aan qabano hawshani balse wixii aanu kari karno
ayaanu kasii qaban doonaa intiina uu lahaa waxbaanu kasii qabana
waxba kamaysuurta galin oo way hirgali wayday Anaguna ka
macalimiin ahaan waanu iska daynay markii aanu ku daba daalay ee
aanu aragnay in aanay waxba kazoo naasacadayn.
Xaga dadka deegaankana waxa aan ka
macalimiin ahaan galay shir taasi oo aanu isla garanay in aanay
xiligani awoodin dadku in ay wax bixiyaan sobobtoo ah waxa lagu
jiraa wakhti kaliil adag ah dadka deegaankana sidaasi ayaanan
waxba u waydiin.
7.S. Waxa mudane Maamule jirta in
aan la Ogolayn in ardayda lacag la waydiiyo, iyada oo ay taasi
jirto waxa aan maqlay in ardayda lacag laga qaaday labadii
bilood ee u danbeeyay, markaasi lacagtaasi maxaa lagu qabanayaa?
Maxaase iska badalay qorshihii ay soo dajiyeen UHWA ee ahaa in
aan ardayda la waydiin wax lacag ah si ay tirade ardaydu u
korodho?
J. Horta lacagtu maaha lacag fara
badan maahana lacag ay macalimiintu isticmaalayso, balse waxa
aanu macalimiin ahaan iyo guddi waalidiin ahaan isla gorfaynay
siddii loo dayac tiri lahaa iskuulkani dumaaya, marka Maamulkii
Degmada waxba laga waayay kadibna waxa aanu go’aan ku gaadhnay
in aanu iskuulka u samaynay Sanduuq layidhaahdo sanduuqa
dhaqaalaha, taasi oo aanu imika qorshaynayno marka aanu dhawr
bilood isku darno in aanu iskuulka ku dayac tirno, lacagta aanu
ardayda ka qaadaynaana maaha wax dhibaya ardayda ee waa wax aad
u yar oo dhan 2000 s/l ah waa wax ka yar 0.5$ dollar.
8. S. Ugu danbayntii maxaad u soo
jeedinaysaa UHWA iyo dhamaan dadka ku hawlan horumarinta
waxbarashada degmada Allaybaday?
J. Marka hore waxa aan leeyahay
salaam kal iyo laab ah iga gudooma, marlabaad waxa aan u soo
jeedinayaa mahadnaq balaadhan oo aan uga mahadnaqaayo hawsha wax
ku oolka ah ee ay hayaan taasi oo ay meel madhan kazoo bilaabeen
hawshaasi maantana ay marayso meel heer sane ah waxaan leeyahay
aakharo iyo aduunkaba waydun liibaaniye hawshaasi ha ka daalina.





Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |