Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WARAYSI AAN LA YEESHAY MAAMULAHA DUGSIGA HOOSE EE DIINI-GOOBAALE MR.MUSTAFE XASAN YUUSUF. Allaybaday, Gobolka Hargeisa. 17.April.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

 

Waxa aan waraysi kala yeeshay xaalada iskuulka Diini-Goobe Maamulaha xiligan ee iskuulkaa kaasi oo aan ka waraystay xaalada waxbarasho ee iskuulkaa iyo horumarka uu ku talaabsaday iskuulkaasi, waraysigaasina waxa uu u dhacay sedan:

 

1.S. Maamule  waxa aad ka warantaa xaalada iskuulka Diini-Goobaale sida ay tahay xiligani? 

J. Runtii iskuulka xaaladiisu aad ayay u fiican tahay. maanta maalin uu ka fiican yahay may soo marin tariikhda gaaban ee u jiray. Dugsiga Diini goobaale wuxuu ka mid yahay 11 dugsi oo qurbo joogta degmada u dhalatay sameeyo, oo mudo 3 sanno gacanta ku haya.

2. Kawaran horumarka uu iskuulku ka sameeyay xaga korodhka ardayda? 

Horta  iskuulkan Diini-Goobaale hore ayuu u jiray kadib markii ay dadka deegaanku iska kaashadeen in ay iskuul samaystaan si aanay caruurtu u waxbarasho waayin, kadibna markii ay UHWA gacanta ku qabatay waxbarashada Degmada aan oron karno horumar kii hore ka fiican ayuu gaadhay iskuulku korodhka ardayduna maalin maalin kuma daro imika. 

3. S. Imisa macalin baad ku dhigtaan iskuulka maadaama oo aad ii sheegtay in tirade ardaydu aad u badan tahay? 

J. Horta iskuulka waxaa wax ku bartay arday gaadhasa 112 arday, waxaana si joogta ah wax uga dhigi jiray labo macalin, balse wakhtigan waxa dhiga aniga oo kaliya, sobobtoo ah waxa meesha ka baxay macalinkii labaad walina macalin kale maanan helin, waana qiyaasi kartaa dhibaatada haysta macalin ka masuul ah arday ka badan 100 arday kaligii oo cid caawisa haysan.

 

4. S. Maxaa sobobay in uu macalinka labaad ka tago? Laakiin ma u sheegtaan guddida gudaha iyo Gudoomiyaha waxbarashada ee degmada?

 

J.Waxa sobobay ka tagida macalinkaasi  khilaaf nasoo kala dhexgalay ka macalimiin ahaan iyo guddida waalidiinta oo ku tidhi adigu isaga tag, xaga gudida gudahana iyo Gudoomiyaha waxbarashadana waxa u sheegay arintaasi guddida waalidiinta inkasta oo ay yidhaahdeen haddii uu macalinkii kale tagay idinku ka reer diini-goobaale ahaan macalin raadsada, macalinkiina waanu raadinaynayn, maana helin, Gudida Hargeisa joogtaa way ogtay, magaalada Allaybaday waa laga ogyahay, cid wax ka qabatay ma jirta ilaa hada. Anigu waan soo heli kari waayay macalin kale oo aan keeno tuulada Diini goobaale. 

5.S. Ardayda wax lacag ah maad ka qaadaan? 

J. Maya wax lacag ah lagama qaado ardayda ee ardaydu bilaash bay wax ku bartaan sobobtoo ah maaha in ardayda lacag lawaydiiyo  maadaama oo aanay hayn siyaasada UHWA in arday lacag la waydiiyo. 

6. S. Baahiyaha  iskuulka haysta maxaa ka mid ah? 

J. Runtii baahiyaha iskuulkani Diini-gooble haysta waxaa hada ugu weyn in sida u dhakhso badan loo helaa macalin labaad iyo mid sedexaadba, hada mudo dheer ayaan kaligaa ahaa, sidaa kuma sii socon karto, baahiyaha kale waxaa  ka mid ah in ay ardaydu dhib ku qabto ilayska Qoraxda maadaama oo ay hoos fadhiyaan Taandho Bac ah iyo in aanu iskuulku lahayn Muqulo balse iskuulada kale ee Degmada loo wada sameeyay taasina ardayda dhibaa ka haysta, waxa kale oo uu iskuulku u baahan yahay dhamaan agabka uu iskuul ee fududeeya hanaanka waxbarashada. 

7. S. Ayaa mushaarka idinsiiya? dhinaca Dawlada iyo Degmada wax caami ma ka heshaan.)  

J. Mushaarka waxa nasiiya Jaaliyaha kazoo jeeda Degmadan. Dawlada waxaan bugaag iyo tobo ahayn kama helno. dhinaca maamulka degmada wax caawimo kama helno.

8.S. Ugu danbayntii maxaad u soo jeedinaysaa  dhamaan jaaliyaha ku hawlan horumarinta waxbarashada Degmadan Allaybaday? 

J. Marka hore waxa aan leeyahay salaam iga gudooma, marlabaad waxa aan u soo jeedinayaa mahadnaq balaadhan oo aan uga mahadnaqaayo hawsha wax ku oolka ah ee ay hayaan taasi oo ay meel madhan kazoo bilaabeen hawshaasi maantana ay marayso meel heer sane ah waxaan leeyahay waad ku amaanan tihiin hawshaasi  aad ka wadaan deegaankiina  taasi oo bari kamaalin aad kari doontaa midho dhalka arintaasi  aad bilowdeen,

Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa guddida gudaha iyo dhamaan wax garadka Deegaankeena in lasameeyo qorshe lagu wacyigalinaayo dadka si ay  aad ugu korodho ardaydu oo imika inta iskuulada dhigata in ka badan ayaa xoolaha raacda markaa waxa aan leeyahay arintaasi haloo guntado siddii wax looga qaban lahaa, macalimiinta haloo soo kordhiyo dhamaan dugsiyada Degmada ka jira.

 

Dhismaha Dugsiga Diini goobaale

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com