Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

HALKUU MARKAYAA DHISMIHII DUGSIGA SARE EE ALLAYBADAY EE SANNAD KA HOR LA BILAABAY ?. 23.April.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Tan iyo markii la aasaasay Dugsiga sare ee Allaybaday oo ahayd dhamaadkii 2006kii  taasi oo ahayd  markii ugu horaysay ee ay Allaybaday yeelato Dugsi Sare, wakhtigaa oo ay dadwaynaha reer Allaybaday ay aad ugu farxeen aadna ay usoo dhaweeyeen ka hirgalka uu Dugsi sare Allaybaday ka hilgay taasi oo ay xiliyadii hore dadwaynahaasi kala kulmi jireen dhibaato fara badan siddii ay caruurtoodu u heli lahayd waxbarasho sare iyaga oo jooga gurigooda balse marka ay ardaydu ka baxdo Dugsi H/Dhexe ay  u badalan jireen Hargaysa iyo Gabiley  oo ay ardaydaasi qaarkood marka danbe dib ugu soo noqon jireen xaafada hoodii duruufo awgood ayaa markii ugu horaysay laga bilaabay dugsi sare Allaybaday  taasi oo  aad loo soo dhaweeyay.

Hadaba tan iyo xiligaasi la bilaabay  waxbarashada Dugsiga sare  Dugsigaa sare muu yeelan dhisme u gaara waxaana uu si ku meel gaadha loogu dhigtaa Dugsiga H/Dhexe ee SH AXMED QAALIB qaybo ka mid ah,Walow ay Haayada DRC( DANISH REFUGEE COUNCIL) ay  dhisme u gaar Dugsiga Sare ay bilowday July 15 2007 dhismahaa oo ka koobnaa saddex fasal iyo laba xafiis, ayaa ay ka maqan yihiin Albaabadii iyo Daaqadihii  kuwaasi oo ay ka maqnaanshahooda ay usobob yihiin sidda aan ku helay warar xogogaal ah in ay lacagtii ku goda’ay Qandaraaska ninkii qaatay ee dhisayay Iskuulkaasi taasina ay keentay in iskuulkii qabyo noqdo. Hadii imiga wax laga qaban waayay uu dimi doono wakhtiga roobabka.

Kasakow iskuulka qabyada ah waxa hore u jiray secondary boarding ah oo ay balan qaadeen UHWA world wide in ay ka hirgalin doonaan degmada Allaybaday balse ilaa hada  aanay waxba ka hirgalin, taasi oo dadwaynaha ku dhaqan Degmada Allaybaday ay iswaydiinayaan halkuu marayaa dadaalkii  ay UHWA world wide ay  wadeen ee ahaa in la sameeyo SECONDARY BOARDING AH?

Intaasi kadib waxa aan la kulmay Maamulaha Dugsiga sare ee Allaybaday Mudane  Maxamed Aadan Daauud oo aan wax ka waydiiyay xaalada waxbarasho ee dugsiga sare,

Waxaanu ii sheegay in ay fiican tahay xaalada waxbarasho ee dugsigu meel fiicana ay marayso wakhtigan,

Balse waxa uu Maamuluhu xusay  in baahi wayn u qabaan dhisme ugaara Dugsiga sare si ay u suuro gasho una fududaato  waxyaabaha aasaasiga u ah Waxbarashada Dugsiga Sare, ee ay ka mid yihiin Labarotary iyo Lebarary waxaanu sheegay in ay in muddo ahba is ku meel gaadh ah ugu soo dhigayeen Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib muddo  2 sanno  ah walina ay halkaasi waxbarashadu kasii socoto, Waxa kale oo uu Maamule Maxamed ii sheegay in Sanadka danbe  loo baahan yahay Dugsi Sare oo u gaara, Sobobtoo ah buu yidhi waxa  ku soo biiri doona Dugsiga sare Fasal kale haddii rabi ogolaado, waxaanu hadalkii sii kusoo koobay in ay haboon tahay in laqabyo tiro dhismaha Dugsiga sare ee qabyada ah inta ka horaysa 01/08/08  oo uu ku sheegay bilowga sanad Dugsiyeedka Cusub, taasi oo uu yidhi waa haddii aanay suuragal ahayn in la fuliyo dhismihii iskuulkii Boardingka ahaa ee qorshaha inoogu jiray.

Waxa kale uu Maamulu sheegay arintii Boardinka ee Jaaliyada dibada waday, in aad looga sugayaa, waxaanu email groupka ku aragnaa in Jaaliyadii USA iyo Norway qeybtoodii ay dhamaad ku dhowdahay, Maxaa ku dhacay Jaaliyada kale ee waaweyn sida, UHWA London iyo UHWA Birmingham.

Ugu danbayntii waxa uu  soo jeediyay  laba qodob  waa tahore eh in Gudida Guduhu  hubiso waxa ay ka damceen Haayadii DRC ee iskuulka dhisaysay iyo Qandaraaslihii ay Haayadaasi u dhiibtay in ay sidaasi faraha kala baxeen iyo in kale  dhismaha  iskuulka qabyada ah.

Waa talabaad eh waxa oo uu usoo jeediyay UHWA world wide  in ay ku dadaalaan siddii looga midho dhalin lahaa himiladeenii loona hirgalin lahaa Dhismihii  Secondary Boarding schoolka ahaa. 

Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinanaa Deeqbixyaasha dibada joogta ee hawsha weyn wada, Mashruuceena waxaa saldhig u ah Boarding schoolka ee taa hala wado.

Gudida Gudaha mahadnaq balaadhana ayaan u soo jeedinayaa, waxaan  runtii si gaara u xusayaa Gudoomiy Bakaal, oo aad mooda in isaga qudhaata ka dhexmuuqda gudida dhan, hawsha culus ee hayo waxaa moodaa in uu kali ku yahay oo caawimo u baahan yahay.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay nin la sugayow adna yaad sugi?

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com