|
ROOB AAD LOOGU
DIIRSADAY AYAA KA DA'AY Galbeedka Gobolka Hargeisa iyo Gobal
weynaha Gabiley (Qodaal). ALLAYBADAY.
8.May.2008 (Sawiro) |
Dib Unoqo |

Waxaa Xalay ilaa maanta ka
da,ay roob weyn laga soo bilaaba magalaada Hargeisa ilaa
Magaalada Togwajaale. Roobkaas oo ahaa roob weyn oo ka curtay
dhamaan dalkeena Somaliland
Dhinaca magaalada Allaybaday oo hada ku sugan
waxaa ka da,ay roob aad loogu qaboobay, roobkaas oo ahaa mid aad
u laxaadleh oo da,ayay mudo dheer waxa uu wada buuxiyay
dhamaan dhaamamkii waawaynaa ee Allaybaday, Roobkaa ayaa ay
dadwaynaha ku dhaqan deegaankaasi ay aad ugu qabowsadeen kadib
jiilaal adag iyo kaliil dabadheeraatay oo baryahan danbe ay
dadka ku dhagan deegaanla Allaybaday ay bilaabeen hayaan ay ugu
guurayeen meelaha ay raxmadu ka da'day si ay xoolaha ugu helaan
biyo iyo baad, balse maanta waxa ka muuqda dadka ku dhaqan
Allaybaday jawi ka duwan kii hore, taasi oo farxad iyo rayrayn
badani ka muuqatay wajiyadooda.
hadaba dadwaynaha reer Allaybaday oo ku caan baxay waxsoosaarka
xaga beeraha ayaa waxa ay ahaayeen qaar in muddo ahba isku
diyaarinayay waxbeeris, balse ay ka dib dhaceen roobabkii xiliga
gugu oo la filaayay, ayaa maanta aad looga dareemay durba
dhaqdhaqaaq ku wajahan xaga waxbeerashada ee dhamaan dagaanka
Degmada Allaybaday iyo dagaanke kale ee gobolka.


Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |