Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

TARTAN AQOONEED AYAA DHEXMARAY LABADA MADARASADOOD EE KALA AH ALFURAAN IYO DAARUL IIMAAN, Tog-Wajaale. ALLAYBADAY.9.May.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa uu tartan aqooneed ku dhexmaray Magaalada Allaybaday labada Madarasadood ee kala ah ALFURAAN  Allaybaday iyo DAARUL IIMAAN  Tog-Wajaale, Tartan aqooneed kaasi ayaa loogu marti ahaa ama lagu soo buuqday Madarasada Alfurqaan, hadaba waxa aan wax ka waydiiyay Maamulaha Madarasada Alfurqaan Axmed Aadan Xirsi  oo marti loo ahaa sida uu u arko safarkan manta loogu yimid madarasada uu Maamulaha ka yahay, wuxuuna iigu jawaabay runtii waxa aan u arkaa  talaabo horumar leh oo loo baahan yahay in sedan oo kale la isku buuqdo wuxuuna yidhi aad ayaan usoo dhawaynayaa uguna mahadnaqayaa Madarasada Daarul iimaan, isaga oo hadalkiisii siiwata waxa uu yidhi haddii maanta anaga nala soo buuqday anaguna waxa aanu u buuqan doonaa inta ka horeysa xidhaanta sannad dugsiyeedka. 

 waxa kale oo aan wax ka waydiiyay Maamulaha Madarasada Daarul Iiman ee Tog-wajale Saleebaan Indha yare cida ka caawisay safarkan ay ku yimaadeen Allaybaday iyo sida uu u arko? waxaanu iigu jawaabay anaga ayaa iska caawinay oo majirto cid naga caawisay haba yaraatee waxaanan u arkaa safarkan mid muhiim ah sobobtoo ah buu yidhi mid hore ardayda ayaa waxa kala faa’idaysanaysa, talabaad waxay safarkani oo kale u noqonayaa  waayo aragnimo ay ku kala baranayaan ardaydu dhulka sobobtoo ah ayuu Maamuluhu yidhi Allaybaday iyo Wajaale waxa ay isku jirtaa wax ka yar 35kgm hadana ardayda qaar ayay manta ugu horaysaa  markaa waa mihiim ayuu in ardaydu dhulkooda ay kala bartaan ayuu  kusoo koobay hadalkiisii. 

Intaasi kadib waxa ay labada  Maamule ee labadaasi Madarasadood  ay halkaasi ka jeediyeen hadalo ay ardayda igu sheegayeen mihiimada uu leeyahay Tartan Aqooneedkani kaasi oo ay yidhaahdeen marka hore waxa kazoo kordhaya isdhexgal iyo isbarasho aad isbaranaysaan marlabaad waxa ay Maamulayaashaasi ardaydaa ka qaybqaadanaysay u sheegeen in Cilmigu ku dhex jiro ardayda dhexdeeda( Knowledge is among the students) loona baahan yahay in la isugu yimaado Tartan Aqooneedkani oo kale si ay ardaydu wax u kala faa’idaysato, waxa kale oo ay ardayda ku boriyeen in ay  ku dadaalaan wax barashada sobobtoo ah bay yidhaahdeen waxbarashadu waa furaha nolosha, waxa kale oo ay ardayda u sheegeen in

dhalinyaranimadan ay ka bixi doonaan bari ka maalin markaasi ninkii ka faa’idaysan waayay wakhtiga bari wuu ka warwari doonaa waxa jirta in Maahmaah tidhaahdo ardaygaan dadaalini marbuu danbinta nuugaa wakhtigii uu haleeyay ayuu dib u xasuustaa ayay hadalkoodii kusoo koobeen.

 Intaasi kadib waxa bilaabmay Tartan Aqooneedkii dhexmarayay labada Madarasadood ee ALfurqaan Allaybaday iyo Daarul-Iimaan Tog-wajaale, Tartankaa oo ka koobaan, Tajwiidka Quraanka kariimka ah, Xisaab, English, Tariikhda Somaliland iyo Aduunkaba, Saynis iyo Cimilada. waxayna guushu halkaasi ku raacday Madarasada Daarul-Iiman  15 dhibicood halka ay Madarasada ALfurqaan Allaybadayna Heshay 14 dhibicood, intaasi kadib waxa galinkii danbena ay yeeshaa labadaasi Madarasadood ciyaar kubada cagta ah oo ay iskugu yimaadeen Garoonka kubada cagta ee Allaybaday ciyaartaasi oo ay kazoo qayb galeen dadwayne farabadan oo ah kuwa xiiseeya ciyaaraha iyo waliba taageerayaashii labadaasi madarasadood ee ciyaartu dhexmaraysay, waxayna ciyaartii ku dhamaatay 3 iyo 1 ay guushu ku raacday Madarasada Alfurqaan ee Allaybaday halkaasina laga badiyay Daarul-Iiman ee Tog-wajaale.

 

 

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com