Waa markii labaad ee roobabka
Gugu khasaare soo gaadhsiiyaan baliyada biyaha

GABILEYNEWS
(Alleybadey)-Roobab laxaad leh oo labadii maalmood ee u
danbeeyey ka da,ay deegaanka Degmada Alleybadey oo katirsan
Gobolka Gabiley ayaa soo gaadhsiiyey khasaare culus oo
dhinacyo badan ah.
Ugu yaraan 32 baley iyo beero ayaa daadadkii kasoo fatahey
roobabkaasi soo gaadhsiiyeen khasaare xoogan sida uu
GABILEYNEWS u sheegay Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Mr Xasan
Cabdi Cali, waxa kale oo ay roobabkaasi khasaare gaadhsiiyeen
xoolo badan oo ku dhintey ufadii roobabkaasi xoolahaas oo
ubadan adhi .
Dhinaca kale maamulka Degmada Alleybadey ayaa Xukuumada iyo
hay,adaha samafalka caalamiga ah ee somaliland ku sugan ka
dalbadey gurmad degdeg ah.
Waa markii labaad ee roobabka Gugu khasaare soo gaadhsiiyaan
baliyada biyaha ee Alleybadey oo ay ku tiirsan yihiin nolosha
bulshada halkaa ku nool.
Gabileynews Desk
Alleybadey,SL