Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

DEGMADA ALLAYBADAY IYO SIDDA LOOGA DABAALDAGAY 17 GUURADII GOONI ISTAAGA JSL ee 18 may, ALLAYBADAY.19.May.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 
 
Saaka subaxnimaddii hore ayaa waxa isugu soo baxay khayriyada Magaalada Allaybaday dad aad u fara badan  kuwaasi oo isugu soo baxay siddii ay uga qayb  qaadan lahaayeen  xuska munaasibada  17 guuradii kasoo wareegtay maalintii  gooni-isutaaga jamhuuriyada somaliland  ee 18 may dadkaa saaka iskugu soo baxay munaasibada 18 may ayaa ahaa kuwo ay wajiyadooda ka muuqdeen dareen iyo shucuurwadanimo  ay ku muujinayeen sidda ay uga go'antay shicibwaynahay somaliland gooni-isu taaga jamhuuriyada somaliland, hadaba dadkaasi oo intii aanay bilaabin madaxda degmadu qudbadihii ay ugu talagaleen munaasibada 18 may, waxa ay dadkaasi isu sii maaweelinayeen heeso wadaniya.
hadaba ugu horaym waxa halkaasi ka hadlay oday Maxamuud yuusuf cige oo ahaa gudoomiyihii ugu madada dheeraa ee soo mara degmada Allaybaday waxaanu maxamuud aad ugu dheeraaday   18 may iyo qiimaha ay u leedahay  guud ahaan dalka jamhuuriyada somaliland isaga  oo ugu danbayntiina aad ugu dardaarmay in la iska  kaashado siddii loo ilaashan lahaa nabad galyada iyo xasiloonida ayuu hadalkiisii kusoo koobay,
waxa isna halkaa ka hadlay chief caaqil ismaaciil c/laahi samaale
 oo si qoto dheer uga waramay maraaxilki kala duwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyada Somaliland , isagoo xusay in maalinta 18 may ay qiimo weyn ugu fadhido dhamaan shacbi weynaha reer somaliland , iyada oo dib ula soo noqoshada xornimada somaliland loo soo maray halgan dheer maal iyo naf huridba leh , ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii.caaqil ismaaciil.
 
 
ugu danbayntii waxa isna halkaasi ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali oo isna aad ugu dheeraaday munaasibada 18 may  iyo sidda ay  shicib waynahay somaliland ugu dheertahay Maalintaasi

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com