Dhismihii ugu horeeyay ee uu yeelanayo dugsiga sare ee
Allaybaday ayaa la dhamaystiray, dhismaha dugsigan oo ay
dhisday Haayada Caalamiga ah ee Danish Refugee Concel (DRC),
Dugsigan ayaa qabyo ahaa in muddo ahba, balse dhamaystiran
wakhtigan xaadirka ah.
Hadaba
mar aan maanta soo buuqday iskuulkaasi sare ayaa waxa aan
kula kulmay iyada oo loo dajinaayo agab waxbarasho oo
Dugsigaasi loo keenay, halkaasi oo uu goobjoog ka ahaa
Maamulaha Dugsigaasi Mr. Maxamed Adan Daauud, ayaa waxa aan
wax ka waydiiyay sidda uu urko Dugsigan cusub? Waxaanu
Maamuluhu ii sheegay in ay tahay wax ay muddo ba naawilayeen
aadna uu ugu faraxsan yahay, isaga oo yidhi waa wax lagu farxo
runtii maanta oo uu dhamaystirmay dhismihii Dugsiga sare ee
Allaybaday, waxaa kale oo yidhi muddo 2 sanno ku dhow ayaanu
si ku meelgaadh ah ugu soo wadnay waxbarashada iskuulka
H/DHEXE ee SH.Axmed Qaalib balse maanta wataasi agabkii
waxbarasho naloo keenay ee aad arkayso waxa kale oo uu
mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Haayada DRC iyo Wasaarada
waxbarashada.

Waxaan kale Mahadnaq
balaadhan oo la soo koobi karayn u jeedinanaa, aniga ku hadlaa
dhamaan bahda waxbarashada Degmada Allaybaday, ururka gacanta
ku haya dhamaan dugsiyada Degmada ka ka jira, UHWA, ururkaas
oo ay wado sameeyeeyn Qurbo-joogta iyo waxgaradka Degmada u
dhashay, waana ka suura galiyay Dugsigan Sarre ee maanta
dhamaaday iyo dhamaan 12 Dugsi ee Degmada ka jira hada.
Waxa
kale oo aan waydiiyay Maamulaha xiliga ay usoo wareegayaan
dugsigan cusub? Waxaanu yidhi imika waxa bilaabanaya xiligii
fasaxa dugsiyada markaasi marka lagu soo noqdo 01/08/008 ayaa
loo soo wareegi doonaa haddii rabi ogolaado ayuu yidhi.
Waxa
kale oo aan maamulaha waydiiyay in ay siddaasi kagala
wareegeen Haayadii iyo in ay wali Haayadu gacanta kusii hayn
doonto?
Waxaanu
ii sheegay Maamule Maxamed in aanay wali haayadii lagala
wareegin balse ay haayadu kuwareejin doonto Wasaarada
Waxbarashada i xadhigana uu Wasiirku ka jaridoono dhawaan
haddii alleh yidhaahdo.
Dugsiga Sarre ee
Allaybaday oo ka kooban labo qaybood oo kale ah qayb
maalinlaha iyo qayb jeef ah, hada waxaa dhamaaday qeybtii
Waxbarashada, Qeybta kale ee jiifka waxaa wada Qurbo joogta
Degmada u dhalatay, waxaana la rajaynayaa in ay bilaabaa bisha
august ee Sannadkan aanu ku jirno.
