|
XAFLADII
XIDHITAANKA DUGSIYADA DEGMADA ALLAYBADAY EE SANNADKA 2007/2008
OO SAAKA LAGU QABTAY ALLAYBADAY .
04.Jun.2008 (Sawiro) |
Dib Unoqo |

Waxa saaka xaflad
balaadhan oo loogu tallo galay dhamaan dugsiyada Degmada
Allaybaday lagu qabtay iskuulka H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib
xafladaasi oo ahayd xafladii xidhintaanka sanad dugsiyeedka
2007-2008 taas oo si wayn ay uga soo qayb galeen marti sharaf
ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Allaybaday, Mudane Xasan
Cabdi Cali, Xoghayaha UHWA Mustafe Cabdi Cali iyo
Gudoomiyaha UHWA Malaysiya, Axmed Ismail Geedi, Maamulayaasha
dugsiyada magaalada Allaybaday, Waalidiin iyo Marti sharaf kale
oo badan, hadaba ugu horayn waxa Xafladaasi lagu furay Aayado
Quraan ah,intaasi kadib waxa iyana halkaasi ka hadlay laba arday
oo ka mid ah ardayda iskuulka kuwaasi oo iyana ku qudbadeeyay
English iyo Carabi qudbadoodaasi oo ku sahabsanayd faa’idada ay
waxbarashadu leedahay.
Waxaa halkaa
Qudbadado dhaadheer ka jeediyay, Gudoomiya ururka wadaniga ah
SOSAPO, Mr. Ahmed Muse Muxumed, 3 maamule ee dugsiyada magaalada
ku yaala, Caaqilo, xubno ka socda wasaarada waxbarashada,
wakiilada laamaha UHWA, Dadkaaso dhamaan ka hadlay faaidada
waxbarashada iyo qiimaha ay u leedahay wadankeena.

Ugu danbayntii
waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada, Mr Xasan Cabdi
Cali oo ugu horayn mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Ururka
Waxbarashada Degmada Allaybaday iyo Wasaarada Waxbarashada
wuxuuna ku bilaabay hadalkiisii sida tan wuxuuna sheegay inay
Degmada ka hirgaleen mudadii uu xilka Gudoomiyenimo hayay 10
iskuul taasi oo ay hirgaliyeen UHWA iyo Wasaarada Waxbarashada
JSL iyo Maamulka Degmada Allaybaday, waxa kale oo Gudoomiyuhu
usoo jeediyay Guddida Waalidiinta iyo Macalimiintaba in la iska
kaashado siddii loo hurumarin lahaa waxbarashada
waxa kale oo isna
ka hadlay Xafladaasi Gudoomiyaha Ururka SOSAPO Axmed Muuse
Muxumed oo tilmaamay faaiida waxbarada waxa kale oo ka hadlay
sida uu ururkoodu mar walba ulagarab taagan yihinn wixii
taageera ah ee ay awoodaaan Waxa kale oo uu yidhi waxa aanu
markasta ku dadaalaan in aanu kor u qaadno mooraalka ardayda ku
hawlan halganka waxbarashada, waxa kale oo uu sheegay in ay ka
qayb qaateen saddexdii sanad Dugsiyeed ee ugu danbeeyay isaga
oo yidhi waxaanu keenay Jaaisado aanu siinay ardaydii gashay
kaalmaha hore sidda tan Maanta, ugu danbayntii waxa uu halkaasi
ka balan qaaday in ay qabanayaan tartan ciyaareed taasi oo uu
yidhi waxa aanu ugu talagalay in aanu dhalinyarta kaga jeedinay
balwadaha xun korna ugu qaadno tayadooda ciyaareed ayuu
hadalkiisii kusoo koobay intaa Kadib waxay ururku ku wareejiyeen
jaaisado ay ugu talo galeen ardayda ku guulaysatay kaalmaha hore
Maamulayaasha Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib, Dugsiga Sarre
iyo Madarasada Allaybaday.
Intaasi
kadib waxa kale oo ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sh Axmed Qaalib
Axmed Qani Sh Muxmed oo dardaaran usoo jeediyay ardayda mudda ay
fasaxa ku jiraan waxa kale oo uu waalidiintana usoo jeediyay in
ay ka war hayaan ardayda mudadaasi ay fasaxa ku jiraan, ugu
danbayntii waxa uu Maamuluhu yidhi waa in aynu iska kaashanaa
siddii aynu u dayactiri lahayn Dugsiga ayuu hadalkiisii ku soo
koobay.
Intaa kadib waxa
isna halkaasi ka hadlay Caaqil Maxamed AAMIN CIGAAL oo ka hadlay
fursada ay haystaan da’a yarta maantu balse aanay iyagu
wakhtigoodii helin fursadan qaaliga ah, oo ka mid tahay
waxbarashada bilaashka ah iyo dhiiri galimaha kale ee had iyo
jeer lala dultaagan yahay ardayda iyo macalimiintaba wuxuuna
hadakiiisii ku soo gabgabeeyay oo uu kula dardaarmay waalidka
in ay ka faaiidaystaan jaaniskan qaaliga ah waxa kale
ladardarmay macalimiinta oo uu u sheegay in ay noqdaan qaar ay
ardaydu kaga daydaan akhlaaqda suu ban.
Waxa
isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gudida waalidiin iskuulada
Allaybaday Maxamud Yususuf Cige oo halkaasi mahad naq balaadhan
ugu soo jeediyay ururka UHWA oo uu ku amaanay sidda
xilkasnimada leh ee ay iskugu xilsaareen waxbarashada daá
yartooda aanay taabo galiyeen hor umar balaadhan oo xaga
waxbarashada ah sedexdii sano ee u danbeeyay. Wuxuu ugu
danbayntii uu halkaasii kusoo koobay hadal dardaarana ah oo uu
usoo jeedayay Waalidiinta in ka war haqyaan ubadkooda waxaanu
sheegay inay Aabayaashii gaabiyeen ka war haynta Ubad kooda
waxaanu ugu dambayntii dardaaran u soo jeediyay ardayda oo uu
usheegay inay ka feejignaadaan balwadaha kuwaasi oo u horseeda
mustaqbal xumada iyo guuldarada aanay ku daydaan ku waas maanta
iyaga soo caawinaaya oo uu yidhi shalay ka maalin idinka ayay
idinla mid ahaayeen oo halkaasi ayay wax ku baranayeen iyada oo
aanay cidina caawinaynin siddiina ee dadaala ayaan idin
leeyahay.
Waxa isna halkaasi
ka hadalay Xoghayaha UHWA Mustafe Cabdi Oday oo aad ugu
dheeraaday faa’idada waxbarasha isaga oo yidhi maanta meel ay
Somaliland waxbarashadu bilaash tahay dugsi Hoose ilaa ku Sare
majirto oo aan ahayn Degmada Allaybaday taasina waxa
suuragaliyay ayuu yidhi UHWA oo xilwayn iska saartay siddii ay
horumar ugaadhsiin lahaayeen Deegaanka siiba xaga waxbarashada
markaasi waxa aan leeyahay arday iyo Waalidba ayaynaan dayicin
fursadaasi ayuu hadalkiisii kusoo koobay,
Intaasi kadib waxa
isna ka hadlay Gudoomiyaha UHWA Malaysia Axmed Ismaaciil waxaanu
yidhi maanta farxad wayn bay ii tahay in aan ka qayb qaato
xafladan lagu xidhaayo sanad Dugsiyeedka Dhamaan dugsiyada
Degmada, waxa kale oo uu dardaaran usoo jeediyay ardaydii
halkaasi isugu timid isaga oo ku dardaaray in ay ka
faa’idaystaan wakhtiga ay haystaan
Sannada dugsiyadeedkii 2007/2008 waxaa Dugsiyada Degmada
Allaybaday ka jiray:
-
qiyaasii 2 000
arday oo ku jira dugsiyada Degmada, taas ay 750 gabdho yihiin.
-
13 dugsi oo ka
furan dhamaan dhulweynaha Degmada ALLAYBADAY.
-
35 macalin ee
dugsiyada wax ka dhigaa oo dhamaantood qurbo joogto mushaar
joogta ah siiso bil walba.
-
Dugsigii sarre
oo la dhisay.
-
4 dugsi hoosaad
oo dhismo cusub helay.
-
Agabkii
waxbarashada oo ay dhamaan dugsiyada Degmadu heleen.
-
Cunto laga
bixiyo dhamaan dugsiyada Degmada.
-
18 Jaaliyadoo oo qurbo jooga oo
deeq joogta ah u soo dira dhamaan dugsiyada Degmada.
Sannad dugsiyadeeda 2009/2010
waxaa ka soo baxaayo dugsiga sarre Allaybaday ardii ugu
horeysay, Suaasho waxay tahay halkeebay Ardaydaadiisa ka heli
doonaa Jaamacad boarding ah ?












Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |