Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

ENGINEERO IYO GUDOOMIYAHA  HAYADA NERAD OO MAANTA YIMID DEGMADA ALLAYBADAY

Dib Unoqo

 

 Waxa maanta oo ay bishu tahay 05/05/007  magaalada Allaybaday yimid koox Engineero ah  oo ay waheliyaan Gudoomiyaha Haayada Nerad Mr. Maxamed Muuse Cawale  ee ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah iyo Gudoomiyaha Degmada Allaybaday, Xasan Cabdi Cali socdaal koodan oo ahaa mid ay Engineeradu qiimayn ku samaynayeen  dhibaatadii ay gaysteen daadkii  dhawaan Degmada wax yeeleeyay iyo sidda ugu fudud ee wax looga qaban karo  waxyeeladan soo gaadhay dhamaamkii  iyo dhulbeereedkii  ay dadku uga faa’idaysan jireen waxbeerista.

Kadib   markii ay kormeer  qiimayn ah ku soo sameeyeen Dhaamamkii iyo Beerihii ay daadadku waxyeeleeyeen , ayaa wax ay shir gaaban ku yeesheen xafiiska gudoomiyaha degmada allaybaday, shirkan oo lagaga wada hadlay Wixii ay soo arkeen Engineeradu  & sidda ugu fudud ee waxyeeladan wax looga qaban karo.

Ayaa waxa ay soo jeediyeen in saddex waji wax looga qabto dhibaatooyinkaasi, saddexdan waji oo kala ah siddan:-

1)    In  marka hore lagu sameeyo xidhitaan dhaamamka jabay si looga faa’idaysto biyaha xili roobaadkan, taasi oo ay sheegeen in laga bilaabo maanta ilaa tobon cisho gudahood lagu soo dhamaystiro  cagaf cagafyadii iyo dhamaan agabkii kale ee looga baahnaa xidhitaanka dhaamamkaasi.

2)    In dhulbeereedkii ay gooyeen daadadku  lagu sameeyo carro  simid si ay suurgal u noqoto in dib wax looga beero dhulkaasi, iyo in lasiiyo dadka abuurkii   ay dib ugu beerilahaayeen  beerahaasi, iyo agabkii kale  ee looga faa’idaysan jiray beeraha sidda: Water pumpskii iyo tuunbooyinkii.

Wax kale oo ay intaasi raaciyeen  in Kanalliska iyo dhamaan jeexjeex yada kaleba iyana la buuxiyo.

3) Ugu danbaytii wax ay  sheegeen    in dhooba qaadis lagu sameeyaa dhaamamka si looga dhex qaado carada uu daadku dhex dhigay.

 

BY: ISMAIL ABDI MUXUMED

 ALLAYBADAY , SOMALILAND


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com