Xaflad siweyn loosoo agaasimay ayuu
Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi
(xaaji) Ciyaartowga Allaybaday ku Gudoonsiiyay Shan dirays oo
ah kuwa lagu ciyaaro kubada Cagta,hadaba xaflad ayaa loo
qabtay gudoonsiinta diraysyadaasi taasi oo Axmed ku
gudoonsiiyay shan kooxood oo ka mid ah ciyaartayga Degmada
Allaybaday. Xafladaasi ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha
Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali iyo xubno kale oo ka mid
ahaa Masuuliyiinta ciyaaraha Allaybaday.

Hadaba ugu horayn waxa halkaasi ka
hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan oo ugu horayn
mahadnaq usoo jeediyay Axmed Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha
Jaaliyada Malaysiya oo uu ku amaanay caawimadan uu soo
caawiyay Ciyaartowga Degmada isaga oo yidhi waxa ay tani u
noqonaysaa dhiirigalin waxa kale oo uu yidhi waxa aan iyana
mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa UHWA WORLD WIDE oo uu yidhi
waxa ay kor u qaadeen Waxa ay kor u qaadeen waxbarashadii
Degmada Mudadii ay gacanta ku hayeen waxbarashada Degmada
Maanta waxa aan aad ugu faraxsanahay ayuu yidhi haddii ay ku
dareen dhinacii ciyaaraha.
Ugu
danbaytii waxa uu hadalkiisii kusoo koobay oo yidhi jaaliyada
Malaysiya waxa aan leeyahay waxa aad ku talaabsateen talaabo
ku dayasho leh, waanad ku amaanan tihiin dhiirigalintan,
Jaaliyadaha kalena waxa aan leeyahay idina kaga dayda ayuu
kusoo gabagabeeyay hadalkiisii Gudoomiye Xasan.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay
Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Axmed Ismaaciil waxaanu yidhi
marka hore waxa aad iga gudoontaan salaam aan idiinka siddo
UHWA WORLD WIDE, intaasi kadib waxa uu Axmed Ismaaciil
bilaabay hadalo dardaaran ah oo uu ku dardaarayay ciyaartayga
xafladaasi isugu yidhi, wuxuuna ka dardaaray balwahadaha xun
xun sida jaadka oo kale isaga oo yidhi Allaybaday waxa ay ku
taalaa meel xad ah markaasi waxa laga mamaarmaan ah in aad ka
foojignaataan balwahadahaasi.
waxa kale oo Axmed sheegay in ay UHWA ku
howlanayd kor u qaadka Tayada Waxbarashada ee Degmada balse
imika aanu iyana usoo jeedsan doono kobcinta ciyaarha kala
duwan, isaga oo yidhi waxbarashada iyo ciyaaruhu ma kala
maarmaan wuxuuna soo qaatay Maahmaah English ah ( all
work and no play makes jack a dull boy) taasi oo
yidhi wakhtiga fasaxa ardaydu waa in ay ciyaaraan.
waxaanu hadalkiisii kusoo koobay oo
yidhi Mr. Axmed waa in la iska kaashadaa siddii ciyaaraha loo
horumarin lahaa.
Wakale oo iyana halkaasi ka hadlay xubno
kale oo kasocday Maamulka ciyaaraha ee Degmada oo dhamaantood
ciyaartowgii ka dardaaray balwaha xun xun.
Waa markii labaad ee qurbo joogta degmada u dhalaytay ay
caawimo u keenaan ciyaartowga Degmada.
Koobkii Mujaahid Ahmed Golhaye oo sannadkii mar lagu qabto
Degmada Allaybaday ayaa dhawaan ka furmaa dhamaan dugsiyada
Degmada. Sannadkan waxaa ka qeyb galayaa kooxii ugu badnaa.