
Munaasibad
balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Degmada
Allaybaday, Salaadiin, Maamulka iyo Odayaasha Arabsiyo ayaa
shalay lagu qabtay Magaalada Arabsiyo, Munaasibadan oo ahayd
Munaasibad loo qabtay siddii loo banyany lahaa Wadadii isku
xidhaysay Allaybaday iyo Arabsiyo, hadaba waddan oo ahayd
waddo qadiimiya ayaa ahayd waddo isku xidha min oogo ilaa
waqooyi, taasi oo ahayd mid ay mari jireen xoolo dhaqatadu
mararka ay doonanayaa Daaqa iyo biyahaba, dhanka kalena ahayd
waddo halbowle u ah isku xidhka magaalada Allaybaday
iyo magaalada Arabsiyo iyo dalka intiisa kaleba,
Hadaba waddan oo
xidhnayd muddo 24 sano ah ayaa waxa xidhitaankeeda sobob u
ahaa taliskii Maxamed siyaad bare, kadib markii ay ka dhigteen
xeryo Mulatari aanay ka buuxiyeen noocyada Miinooyinka kale
duwan sidda ANTI TANK, hadaba waxa hawlo shaqo ka fulinaaya
waddaasi Haayada HALO TRUST taasi oo ah laba dhinac oo kale
ah ka nadiifinta Miinooyinka iyo walxaha qarxa iyo iyada oo
ay daba socoto cagafcagaftii banaynaysay waddada.

Ugu horayn waxa
halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Arabsiyo Mr. Sitiin waxaanu
yidhi Gudoomiyuhu Allaybaday iyo Arabsiyo ma kala maarmi
karaan waana laba magaalo oo waligoodba uun ka dhexeeyay wax
wadda qabsi, waxaanu yidhi waxa aan aad ugu mahadnaqayaa cid
kasta oo gacan ka gaysatay Hawlaha Wadadan.
Waxa kale oo isna
xafladaasi ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan
Cabdi Cali ( shahar) wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq
uu usoo jeediyay Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha JSL Mudane
C/laahi Ismaaciil Cali ( C/laahi cirro) iyo Suldaan Axmed nuur
C/laahi Samaale oo uu uga mahadnaqay sida ay xilka wayn
iskaga saareen siddii ay u qabsoomi lahayd hawshani waddadu,
wax kale oo uu intaasi raaciyay waxa aan aad iyo aad ugu
faraxsanhay waddadani oo dhib wayn ay ka haystay guud ahaan
Deegaanka Allaybaday oo uu isu socodka gaadiidku dhib yahay
xiliyada roobka, waxa kale oo uu yidhi Arabsiyo xaq iyo
xuquudii ay ku lahayd Gabiley iyo Allaybaday ka may helin
siddaa daraadeed waxa ay istaahishaa in ay noqoto Xarunta
Gobolwaynaha Gabiley sobobtoo ah Arabsiyo waxa ay ku taalaa
ayuu yidhi meel istaraatajiya siddaa daraadee anigu waxa aan
ka shaqayn doonaa siddii aan ugu dhaadhicin lahaa dhinacyada
sidii ay u noqon lahayd Arabsiyo Xaruntii Gobolwaynaha Gabiley
ayuu yidhi Gudoomiye Xasan.
Ugu
danbayntii waxa uu u mahad naqay Haayadan fulinaysa oo ah
Hallo Trust iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay, waxa kale oo
uu kusoo dhaweeyay cid kasta oo rabta in ay gacan kagaysto
guddo iyo dibadba,isaga oo waliba sigaara farta ugu fiiqay
jaaliyadaha reer Somaliland ee kazoo jeeda Degmadan
Allaybaday.
Ugu danbayntii
waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed C/laahi samaale oo
yidhi waxa aan ku faraxsanahay hawsha laga waddo waddadani
isaga oo ka sheekeeyay taariikhdii wadadan iyo sidda ay
Muhiimka ugu tahay Gobolwaynaha Gabiley iyo Dalka intiisa
kaleba waxaanu u Mahadnaqay Haayada Hallo Trust oo uu sheegay
in ay si wanaagsan oo dhago nuglaan ah iiga aqbalay
codsigaygii ayuu yidhi suldaanku, dhanka kale waxa uu Suldaan
Axmed nuur ka hadlay oo uu usoo jeediyay dadka Deegaanka in
ay noqdaan kuwo wax lasoo baxa maadaama oo ay aduunka ka
jiraan Sixir barar iyo cunto la’aan baahsani,waxa kale oo
yidhi waxa aan usoo jeedinayaa qurba jooga reer Somaliland iyo
dawladba in ay taageeraan waxsoosaarka beeraha si isku
filaansho loo gaadho ayuu hadlkiisii kusoo gabagabeeyay
Suldaanku.
Waa
markii labaad ee mudo 3 sanno ahi Haydan wadanigi ay miidho
baaddhis iyo wado banayn ka samayso gobalweynaha Gabiley, gaar
ahaan Degmada Allaybaday.
Suldaanka
Guud ee Degmada Allaybaday Suldaan Ahmed A/lahi SAMAALE,
maamulka Degmada Alllaybaday, odayaasha, qurbo joogta iyo
dhamaan waxgaradka Allaybaday waxay in mudoba wadeen sidii jid
laamiya loogu helilahaa Degmada Allaybaday, arintaas oo aan
wali guul la taaban garo laga gaadhin.
Dhinaca
kale waxaa jira dedaal balaadhan oo uu horkacaayo Suldaanka
Degmada Allaybaday Suldan SAMAALE, Gudoomiyashaa degmooyinka:
ARABSIYO, ALLAYBADAY, FARAWEYNE, DAARA-SALAAM, CALI-XAYDH,
TOGWAJAALE iyo degaanka XEEBTA gobolka, sidii horemarin weyn
loogu samayn gobolweynahay cusub ee GABILEY,
caasimadna looga dhigaayo magaalada ARABSIYO.


