
Koobkan loogu
magacdaray Mujaahid AXMED GOLHAYE (alle ha u naxariistee )
ayaa ah mid sanad walba xilgan oo kale looqabto kooxaha heerka
labaad ee degmada Allaybaday, ayaa waxa uu sirasmiya uga
bilaabmay magaalada Allaybaday, Mujaahid Axmed Golhaye waxa uu
ka mid ahaa halyayadii usoo halgamay xoraynta dalkan JSL,
islamarkaana u horay naftoodii qaaliga ahayd kuna waayay
xorayntii dalka. Mujaahid Ahmed Golhaye, Mujaahid Maxamed Ali
iyo Mujaahid Mahdi Ali waxa ahaa 3 nin ee aasaasay garabkii
militarka ee SNM.
Koobkan loogu
magacdaray Mujaahid Axmed ayaa ay ka qayb qaadanayaa 12
kooxood oo ah heerka labaad.
Hadaba xafladii
furitaanka koobkan ayaa waxa kazoo qayb galay Masuuliyiinta
Degmada Allaybaday sidda Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan
Cabdi Cali, Gudoomiyaha Sportika degmada Allaybday Axmed
Daauud( Axmed sogsog) marti sharaf kale, ciyaartowgii ka qayb
qaadanayay tartanka, iyo dadwayne tiro badan oo ah kuwa
xiiseeya ciyaaraha.
Waxaana ugu
horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan
shahar waxaanu yidhi waa in aynu u ducaynaa dhamaan dadkii
ku waayay nafdoodii qaaliga ahayd xoraynta dalkan ,waxa kale
oo uu mahadnaq usoo jeediyay ururka wadaniga ah ee SOSAPO oo
koobkan lagu xusaayo Mujaahid Axmed dhigay, waxa kale oo uu la
dardaarmay ciyaartoygii kazoo qaybgalay xafladaasi isaga oo ka
dardaaray balwadaha xun xun, kuna dhiiri galiyay in ay
wakhtigooda firaaqada ku qaataan ciyaaraha si aad uga
badbaadaan ayuu yidhi balwaha xun xun intaasi ayuu halkiisii
kusoo koobay.
Waxa isna
halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ciyaaraha ee Degmada Allaybaday
Mudane Axmed Daauud oo marka hore mahadnaq usoo jeediyay
NGOga SOSAPO oo yidhi runtii waan ku amaanayaa koobkan aad
dhigteen iyada oo uu laba siyaaboodba mihiim ugu yahay waa ta
koobaad eh waxa lagu xusayaa mid ka mid ah halyayadii reer
Somaliland ee u soo galgamay dalkan kuna shihiiday, waa
talabaad eh waxa ay kor u qaadaysaa tartanadan oo kale tayada
ciyaaaraha ee Degmada Allaybaday iyo iyada oo uu ciyaartowgu
kaga jeedsanayo balwaha xun xun sidda jaaka oo kale ayuu
yidhi,waxaanu ciyaartowgii xafladaasi isugu yimd aad uga
dardaarday balwadaha xun xun, waxa kale oo uu yidhi ciyaaruhu
waa mihiim eh ku dadaalka siddii aad wakhtigiina ugu qaadan
lahaydeen ciyaaraha, kuna dadaalka sidii aad saaxiibadiina
suuqa qaadka ku cunaayay aad uga soo kaxayn lahaydeen Waxa
kale oo uu Gudoomiye Axmed sheegay in iyana dhawaan la
bilaabayo koob lagu Maaxmuusayo Maalinta Waxbarashada Degmada
Allaybaday oo dhawaan ka dhacaysa magaalada Allaybaday
koobkaa oo uu yidhi waxa loo qabanayaa afarta kooxood ee
heerka koowaad ee ka jira Degmada Allaybaday taasi oo uu yidhi
waa in aad u diyaar garowdaan koobkaasi ayuu hadalkiisii
kusoo koobay Axmed.
Hadaba koobkan
loogu magacdaray Mujaahid Axmed Golhaye ayay ka qayb
qaadanayaan 12 kooxood oo loo qaybiyay 3 group oo kala ah
siddan:
The
Ahmed GOLHAYE CUP, Allaybaday, Somaliland : Year 2008
|
Group A |
Group B |
Group C |
|
SOBADO |
SOSAPO |
STARS |
|
KACAAN |
D/HOOSE |
LIONS |
|
HILAAC |
UHWA |
TELCOM |
|
TELESOM |
TIGERS |
DAHABSHIIL |
|
|
|
|
GROUP A
: SOBADO, KACAAN, KACAAN,
TELESOM
GROUP B
: SOSAPO, D/HOOSE, UHWA, TIGERS
GROUP C
: STARS, LIONS, TELCOM,
DAHABSHIIL