Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

HAAYADAHA  CANDLE LIGHT IYO FOA AYAA GUDOONSIIYAY DEGMADA ALLAYBADAY  QALABKA DARYEELKA SHINIDA. 25.Jun.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Gudoomiyaha degmada allaybaday Mr. Xasan Cabdi cali( shahar) ayaa kala wareegay CANDLE LIGHT  iyo  FOA qalanb farao badan oo lagu tallo galay dhaqashada Shinada, qalabkaasi ayaa isugu jiray Gaaguraha howga u ah Shinida, qalab laga xidho  shinida qaniinyadeeda marka malabka laga soo saarayo iyo bamam iyana lagu buufinaayo shinida marka malabka laga  saarayo.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr.Xasan ayaa waxa uu uga mahadceliyay qalabkan ay keeneen ee ay iska kaashadeen keenideeda labada haayadood ee CANDLE LIGHT iyo FOA isaga oo yidhi waan idinka gudoomay qalabkan, waanan idiinku mahadnaqayaa keenidooda ,waxa kale oo uu yidhi waxa looga faa’idaysan doonaa siddii loogu talagay isaga oo yidhi waxa aan ku wareejin doonaa dadka dhaqda shinida kuwaasi oo baahiwayn u qabay qalabkan daryeelka shinida, waxa kale oo uu intaasi raaciyay oo yidhi haddii aanoo keenteen qalabkii lagu daryeelayay shinida waxa aanu idinka codsanaynaa in aad iyana u furtaan tababaro dadka dhaqda shinida kuwaasi oo uu yidhi aad ayay tababaro ugu baahan yihiin ayuu hadalkiisii kusoo koobay,

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay C/qani Saleebaan Muxumed kana socday Haayada FOA qaybta dhaqaale kobcinta, wuxuuna hadalkisii ku bilaabay oo yidhi Allaybaday waxa ay ka mid tahay 15 goobood oo loo  xulay in laga caawiyo qalabka daryeelka shinida, kadib markii aanu samaynay qiimayn taasi oo aanu ku ogaanay in ay 15kaasi meelood aad ugu horeeyaan dhaqashada shinida  islamarkaana aanu go’aansanay in aanu ka caawino qalabka daryeelka shinida maadaama oo aanu wadno qorshe aanu kor ugu qaadayno dadka xoolo dhaqatada iyo beeralayda taasi oo aanu ku dhiirigalinayno in ay  dhaqdaan shinida  taasi oo aanu rumaysanahay in uu dakhli fara badani kasoo galidoono dhaqashada shinida dakhligaasi oo wax wayn katari doona dhaqaalaha dadkaasi ayuu yidhi, waxa kale oo uu intaasi raaciyay oo uu sheegay in wajigani yahay kii koowaad balse ay jiri doonaan wajiyo danbe

Degmada Allaybaday waxay haga hore kaga jirtaa waxsoorka dalkeena hooyo, waana meesha ugu badan ee laga keeno malabka lagu cuno dalkeena Hooyo, maaha markii ugu horeyse ee qalab beeraha loo keeno beeralayda Degmada.
 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com