|
KOOXDA
D/HOOSE OO HANTIDAY KOOBKII MUJAAHID GOLHAYE EE KASOCDAY
GAROONKA XORIYADA EE ALLAYBADAY.
06.July.2008 (Sawiro) |
Dib Unoqo |

Waxaa shalay soo
gabagababeeyay koobkii lagu xusaayay Mujaahid Axmed Xuseen
Yuusuf(Golhaye) oo in muddo ahba kasocday Degmada Allaybaday
kuna loolamayeen Kooxaha heerka Labaad ee Degmada
Allaybaday, Koobkaasi oo ay Faynalkii isugu soo hadheen
labada kooxood ee kala ah SABADO iyo kooxda ku ciyaarta Magaca
D/HOOSE ee Degmada Allaybaday, labadan kooxood ayaa ahaa kuwo
aan mara laga badin mudadii ay lasoo hirdamayeen kooxihii kale
ee ay koobka kawada qayb qaadanayeen,
Hadaba labadan
kooxood ee Faynalka isugu soo baxay ayaa ay dhexmartay ciyaar
aad iyo aad u soo jiidatay daawadayaashii ciyaarta,raalina
galisay.iyada oo guud ahaan dadwaynaha ciyaaraha xiiseeyaa ay
aad isugu soo diyaariyeen daawashada ciyaartan xiisaha leh ee
labadan kooxood ku hirdamayeen koobkan loogu magacday Muj.
Golhaye(Alle ha u naxariistee).

Ciyaartaasi
labada kooxood dhexmartay ayaa ku dhisnayd weerar iyo weerar
celis, taasi oo ay ciyaartaygii labadaasi kooxood ay muujiyeen
ciyaar wanaag ayna ku dadaalayeen siddii uu mid waliba u hanan
lahaa koobkaasi,ayaa waxa ay qaybtii hore ee ciyaartu ku
dhamaatay waxba iyada oo aan la iska dhalin, balse markii ay
kooxkastaa lasoo tashatay Tababaraheedii, ee tababarayaasha
kooxuhu ku soo kordhiyeen khibradoodii iyo waayo
aragnimadoodii, ayaa ay ciyaartii ku bilaaban tahay dardar ay
kooxwaliba garoonkii lasoo gashay balse ciyaartii waxa ay ku
sii socotay goolal la’aan muddo taasi oo ay dadwaynihii
daawanaayay ciyaartaasi ay ka bixinayeen faalooyin kala duwan
oo ah cida ay filayaan in ay hanan doonto koobkan ay labadan
kooxood ku dagaalamayaan,balse ciyaartowgii ku ciyaarayay
Magaca D/Hoose ee Degmada Allaybaday ayaa la yimid Gool iyada
oo ay hadhsan tahay ciyaarii muddo 10 daqiiqo ah, taasi
kooxdii kale ay samaysay dadaal dheeraad ah kuna dadaalayeen
siddii ay Goolkaasi isaga soo badi lahaayeen, inkastoo uu
dadaalkoodii ku dhamaaday in Gool labaad loogu biiriyo kii
kore halkaasina ay rajadoodii kusoo gabagabawday ay ka qabeen
hanashada koobka,,halkaasi ay Kooxdii D/Hoose guushu ku
raacday 2;0 sidaasina ay ugu guulaystay Kooxdii ku
ciyaaraysay NGO Sabado.
Ciyaartaa weyn waxaa isusu baxay
dad badan oo magaalada Allaybaday Jooga.
Waxaa Kale oo Ciyaartowga Degmada Allaybaday u soo socda
Koobkii waynaa ee wiikii Waxbarashada iyo Sporta ee Degmada
Allaybaday, kaas oo bilaabamaya bilaamaya
15.july - 21 july.
Kaasoo sannadkan
waxaa qabanayaa Gudoomiya kuxigeena Golaha wakiilada, Mudana
A/asiis Mohamed SAMAALE, oo ah xildhibaan Degmada Allaybaday
laga soo doorto.










Wariyaha
UHWA
: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/ |