Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

KOOBKII WIIKII WAXBARASHADA  IYO CIYAARAHA OO KA BILAABMAY GAROONKA XORIYADA EE ALLAYBADAY. 11.July.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Koobkan loogu magacday Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 July ayaa munaasib balaadhan oo loogu talagalay furitaanka koobkaasi lagu qabtay Garoonka Magaalada Allaybaday iyo Xafiiska Maamulka Degmada Allaybaday  kaasi oo ay kasoo qayb galeen,Gudoomiyaha Degmada Allaybaday,Xasan Shahar, Gudida Ciyaaraha iyo Marti sharaf kale,

Hadaba koobkan loogu talagalay Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 july  ayaa ah mid uu dhigay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL,Mudane C/casiis Maxamed Samaale oo ah Mudane laga soo doortay Degmada Allaybaday. Koobkan uu dhigay Mudane Samaale ayaa ay waheliyeen Qalab sports sidda kubado  iyo agab kale Koobkaasi oo ay ku tartamayaa kooxaha heerka koowaad ee Degmada Allaybaday.

.

Hadaba Koobkaasi ayaa lagu wareejiyay Maamulka Degmada Allaybaday   Maamulkuna uu kuwareejiyay  Guddida Ciyaaraha ee Degmada Allaybaday wareejintaasi oo uu uga wakiil ahaa Gudoomiyaaha xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale, Maxamuud Mawliid Aw Cabdi( Buraale)

Hadaba xafladii furtaanka Koobkaasi ayaa waxa horayn halkaasi ka hadlay Mr. Maxamuud Mawliid Buraale oo ahaa wakiilkii siday Koobkaasi waxaanu halkaasi kasoo jeediyay ugu horayn salaan uu yidhi waxa aan idiinka sidaa Gudoomiye K/X  Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale kaasi oo uu yidhi runtii waxa uu jeclaa in uu xafladan idinkala qayb qaato balse duruuf owgeed ayuu iman kari waayay markaasi waxa uu  igu yidhi salaan qaaliya iga gaadhsii dhamaan Dadwaynaha Degmada gaar ahaan bahda ciyaaraha, waxa kale oo uu mr. Buraale yidhi waxa aan aad iyo aad idiinku dhiirigalinayaa  in aad ku dadaashaan siddii aad xirfadiina Ciyaareed kor ugu qaadi lahaydeen ugana fogaan lahaydeen Balwahada Xun xun sidda Qaadka iyo Sigaarka ayuu hadalkiisii kusoo koobay mr. Buraale.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay C/raxmaan Maxamed Daauud (Jiiro) oo ka mid ahaa Guddida ciyaaraha waxaanu halkaasi kasoo jeediyay hadalo mahadnaq ah oo uu ugu mahadnaqaayay Gudoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL mudane C/casiis M  Samaale oo uu yidhi runtii aad ayaan ugu mahadnaqaynaa haddii aanu  nahay bahda ciyaarah ee Degmada Allaybaday, waxa kale oo uu sheegay in ay da’yartu kaga jeedsan doonto balwadaha iyo Maandooriyaha sida qaadka ayuu yidhi,

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr.  Xasan Shahar oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Koobkan iyo qalabkan ciyaaaraha ee loo keenay Kooxaha ka jira Degmada Allaybaday isaga oo yidhi runtii aad ayaan ugu farxaa deeq kasta oo lasoo gaadhsiiyo Degmada, tana waxa ay qayb libaax ka qaadanaysaa  horumarinta ciyaaraha ee Degmada Allaybaday,taasi oo uu yidhi waxa aan aad ugu hambalyaynayaa Gudoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/casiis oo nasoo gaadhsiiyay ayuu yidhi koobkan iyo qalabka ciyaaraha, Waxa kale oo uu halkaasi kasoo jeediyay dardaaran uu usoo jeediyay dhalinyaradii isugu timid xafladii Furitaanka Koobka Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday oo ah 21 July,oo ka bilaabmay maanta Garoonka Allaybaday

Koobkan wiika Waxbarashada iyo Ciyaaraha ee Degmada Allaybaday waxaa ka qeyb galaaya

18 kooxood oo sidan u kale ciyaaraha:

Education and sport weak  CUP, Allaybaday, Somaliland : Year 2008 

Group A Group B Group C
XIDHINTA GEES DHEERE GEED ABEERAH
SOBADO SOSAPO STARS
DIINI GOOBAALE TAYSA HAR CADAAD
KACAAN D/HOOSE LIONS
HILAAC UHWA TELCOM
TELESOM TIGERS DAHABSHIIL
     

 

GROUP A : XIDHINTA, DIINI GOOBALE, SOBADO, HILAAC, KACAAN, TELESOM 

GROUP B : GEESDHEERE, TAYSA, SOSAPO, D/HOOSE, UHWA, TIGERS 

GROUP C : GEED ABEERAH, HARCADAADLE, STARS, LIONS, TELCOM, DAHABSHIIL

Waa Koobkii ugu weynaa ee loo sameeyay Degmada Allaybaday waligeed, waxaana laga soo dhexsaarayaa kooxdii weynayd ee Degmaa Allaybaday, si ay isku diyaariso ciyaaro ay la soo ciyaarto, Magaalooyinka, Wajaale, Arabsiyo, Ijaara iyo Caasimada Gobolk Gabiley.

Dhinaca kale waxaa Degmada Allaybaday ka socda u diyaargarow maaalintii waxbarashada iyo ciyaaraha ee Degmada, sannadkan waxaa Xalfada ka soo qeyb galaaya, Wasiiiro, maamulka Gobolka, degmooyinka iyo Wafdi balaadhan oo hogaaminaayo Gudoomiya ku xigeenka Golaha Wakiilada SL Mudane A/asiis Mohamed SAMAALE.

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com