
Waxa maalmahanba
si habsami ah uga socday garoonka Xoriyada ee Magaalada
Allaybaday koobkii loogu magacdaray Maalinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday ee 21 july. koobkan loogu magacdaray
Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday ayaa ah mid ay
kuloolamayaan kooxaha heerka kowaad ee Degmada Allaybaday iyo
Degmada Togwajaale ee Gobolka Gabiley.
Hadaba waxa ay
ciyaaro xiiso badan oo aad usoo jiitay indhihii daawadayaashii
daawanaayay Ciyaarahaasi kasocda Garoonka Magaalada Allaybaday
ka dheceen Garoonkaasi Magaalada Allaybaday kaasi oo dadwayne
tiro badan ay isugu soo baxeen daawashada Ciyaarahaasi oo
maraya meel xasaasiya, hadaba waxa aan eegi doonaa ciyaarihii
la ciyaaray iyo siddii loo kala badiyay waana sidan
Waxa fooda
isdaray ciyaartii u horaysay kooxda la yidhaahdo Kacaan iyo
Hilaac oo labaduba ah Kooxaha ka jira Allaybaday taasi oo ay
halkaasi guushu ku raacday kooxdii Kacaan 4 gool iyo 2 laba
gool oo ay keentay kooxdii Hilaac.
Waxa Ciyaar kale
oo xiiso badani ay dhexmartay Maalintii Axadii oo ay bishu
ahayd 13/07/08 labada kooxood ee kala ah kooxda D/Hoose ee
Allaybaday iyo Kooxda Omar International Wajaale, ciyaartaasi
oo ku dhamaatay 2 iyo 1 ay Guushu ku raacday Kooxdii Omar
International ee Degmada Togwajaale.
Waxa kale oo
iyana Fooda isdaray Kooxaha Tigers oo ah kooxaha ka jira
Allaybaday iyo Kooxda Sooyaal Togwajaale ciyaartaasi oo ahayd
mid aad u xiiso badan jeclaysdeena indhihii daawadayaashu
ayaan labada kooxodba waxba iska dhalin, ciyaartiina ay ku
dhamaatay goolal la’aan .
Hada waxaa
isku hadhay 8 kooxood oo sidan u kale ciyaaraya:
Kacaan
(Allaybaday) - Soyaal (Wajaale)
Xidhinta
(Allaybaday) - UHWA (Allaybaday )
D/Hoose
(Allaybaday) - Omar international Wajaale
Tigers
(Allaybaday) - Taysa.
Koobkay oo
aad u xiiso badan waxaa ciyaarta Final-ka la qabanaa maalinta
21.July. maalintaa oo la bixinaayo dhamaan agabyadii iyo
qalabyadii sporta ee lageenay magaalada, waxaana qeybinayaa,
wafdi balaadhan oo ka kooban, wasiiro, madaxda gobolka iyo
degmada oo hogaaminaayo Gudoomiya ku xigeenka Aqalka wakiilada
JSL oo qabtay Koobkan, Mudan A/ASIIS MOHAMED SAMAALE.