
Waxa maanta
Allaybaday kulan ku yeeshay Guddida Gudaha iyo Guddi Cusub oo
Allaybaday laga Magacaabay Kulankaa oo ka dhacay Xafiiska
Maamulka Degmada Allaybaday, guddidan cusub oo ka shaqayn
doonta hawlaha waxbarashada ee Degmada Allaybaday, guddidan
cusub oo lagu soo xulay Aqoon, firfircooni iyo waayo aragnimo
ay u leeyihiin hawlaha waxbarashada,
Hadaba kulankaasi
ay yeesheen guddida gudaha iyo guddidan cusub ee laga sameeyay
Allaybaday ayaa ahaa mid si fiican loogaga wada hadlay siddii
loo dardar galin lahaa hawlaha waxbarashada ee kasocda
degmada. Kulankaasi waxa iyana joobjoog ka ahaa Gudoomiyaha
Degmada iyo qurbo joogta reer Allaybaday ee sanadkan timid
qaar ka mid ah.
Hadaba waxa ugu
horayn kulankaasi ka hadlay Gudoomiye Axmed Cabdi Bakaal oo
aad ugu dheeraaday hawlaha guddida cusub looga baahan yahay
iyo sidda ay tahay in ay u shaqeeyaan, isaga oo yidhi waxa la
idiinka baahan yahay in aad samaysaan kormeero ka badan kuwii
aanu samayn jiray maadaama oo aad idinku joogtaan ayuu yidhi
Xaruntii Degmada oo iskuulada qaar aad lugihiina ku tagi
kartaan idinka oo aan baabuur u raacin, waxa kale oo uu yidhi
waxa la idiinka baahan yahay in aad samaysaan warbixino
farabadan(reports) taasi oo uu yidhi waxa ay wax wayn
ka taraysaa hawlaha waxbarashada ee socda, waxa uu ugu
danbaytii aad ugu dardaaray oo uu yidhi waxa la idiinka baahan
yahay in aad ku dhaqantaan kuna shaqaysaan talaabooyinkii aanu
ku shaqayn jirnay taasi oo uu yidhi waa in aad u gaadhsiisaan
Macalimiinta sida ay tahay in loo gaadhsiiyo gunada marka ay
idin soogaadho.

Waxa kale oo isna
halkaasi ka hadlay Caafi Boon (C/qani john) oo kamid ah Qurba
joogtii timid sanadka isaga oo aad uga waramay sidda ay
jaaliyaduhu marka kasta ugu heelan yihiin in ay deegaankoodu
horumaray gaadho, isaga oo yidhi anaga qaar naga mid ahi arday
ah ayaanu hadana ka fikirnaa in aanu ka qayb qaadano horumarka
Degmada, markaasi guddidiina cusubna waxa la idiinka baahan
yahay in aad kasoo baxdaan hawshaasi maanta la idiin doortay
ayuu yidhi, isaga oo yidhi waxa aan ilaahay idiinka rajaynayaa
in aad noqotaan guddi hawl kar ah oo kasoo baxda hawshaasi loo
igmaday.
Waxa kale oo isna
halkaasi ka hadlay Mawliid Aw Cabdi oo isna ah Qurba joogta
sanadka timid, isla markaan aha Gudoomyaha UHWA Birmingham,
waxa uu isna aad ula dardaarmay Guddidii cusbayd waxaanu ku
dardaaray oo yidhi waa in aad noqotaan guddi firfircoon isaga
oo yidhi waxa la idinku soo doortay waa hawlkarnimo iyo aqoon
markaasi waxa la idiinka baahan yahay ayuu yidhi in aad
noqotaan kuwo goor kasta ka war haya Iskuulkada oo kolba wixii
jira waa in aad lasocotaan oo aad naga dhergisaan kolba sidda
ay usocoto hawlaha waxbarashadu, Anagana ka qurba joog ahaan
waxa nasaaran siddii aanay noogu habsaanteen gunada
Macalimiintu, ugu danbayntii waxa uu yidhi sanadkan
sanadkiisa waxa aan inoo rajaynayaa horumar ka balaadhan kan
maanta aynu gaadhnay.
Waxa kale oo
iyana halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah guddida gudaha iyo
guddidii cusbaydba,
Ugu danbaytii
waxa halkaasi isna ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xasan Shahar
oo isna guddidaasi yidhi waxa la idiinka baahan yahay in aad
ku dadaashaan siddii aad uga soo bixi lahaydeen hawshaasi la
idiin doortay waxa kale oo uu yidhi ana ka Gudoomiye ahaan
waxa aan balan qaadayaa ayuu yidhi in aan bixiyo kharashka
kormeerada.

GUDDIDA CUSUB EE
HOGAAMINAASA XAFIISKA ALLAYBAY, KORMEERKA, IYO MUSHAARADA DHAMAAN 12 DUGSI
EE DEGMADA KU YAALA :