Waxa
maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Allaybaday xaflada
aad iyo aad qiime u leh oo sifiican looga soo shaqeeyay loona
agaasimay,Xafladaasi oo lagu xusaayay Maalinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday ee 21 July iyo Sanad guuradii saddexaad ee
kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka Horumarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday(UHWA) waxa kale oo iyana Xafladaasi
Xadhiga laga jaray Maanta Saddex Iskuul oo ka hirgalay
Degmada Allaybaday, Saddexdaa Iskuul oo kala ah Dugsiga Sare
kaasi oo ay Haayada DRC ka dhisday Allaybaday iyo labada
iskuul ee kala ah Geed abeera iyo Taysa, Labadaasi Iskuul oo
ay dhisday Haayada UNICEF
Hadaba
Xafladaasi lagu maamuusaayay ayaa ay kasoo qayb galeen
Gudoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL Mudane C/casiis
Maxamed Samaale,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xasan
Maxamuud Warsame(xasan Gadhwayne) iyo Suldaan Axmed nuur
C/laahi Samaale iyo qurba joogta reer Allaybaday. iyo marti
sharaf kale.
Ugu horayn
waxa Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday
Xasan Shahar oo si guud uga hadalay xaalada degmada
Allaybaday,
Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guddida Gudaha Mr.
Axmed Cabdi Bakaal waxa uu Gudoomiye Axmed ka waramay
Marxaladihii ay soo martay Waxbarashada Degmadu, waxa kale oo
uu sheegay in Maalintii la aasaasay UHWA oo gacanta ku haysa
Waxbarashada Degmada ay ka jireen degmada Allaybaday 4 dugsi,
oo ay wax ka dhigi jireen ayuu yidhi 10 macalin, imikana ay
ka jiraan 11 dugsi kuwaasi oo ay ka hawlgalaan 38 macalin,
taasi waxa ay ku timid ayuu yidhi is abaabulka jaaliyadaha
reer allaybaday ee isku xilqaamay horumarinta Dalkooda iyo
Deegaankooda, waxa kale oo uu ugu danbayntii sheegay Bakaal
Himilooyinka UHWA in ay tahay in laba iskuul oo boarding ah
laga hirgaliyo Degmada Allaybaday,
Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Mukhtaar Axmed Sh. Aadan(Taysa) oo
ku hadlaayay 15 jaaliyadood ee ku howlan hurumarinta
Waxbarashada Allaybaday Magacooda, waxaanu Mukhtaar
hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyay dhamaan
Marti sharafdii ka soo qayb gashay Xaflada, waxa kale oo uu
yidhi waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb
qaato Xafladan lagu xusaayo Maalinta waxbarashada Degmada
Allaybaday ee 21 July, waxa kale oo uu Mukhtaar aad ugu
dheeraaday Faa’idada waxbarashadu leedahay iyo sidda ay u
mudan tahay in ah miyad la siiyo, isaga oo yidhi waxa UHWA u
qorshaysan sanadka 210ka in la waayo ama 90% ay wax akhriyi
karaan waxna qori karaan ubadka ku nool Degmada Allaybaday
haddii alleh yidhaah ayuu yidhi, waxa kale oo uu Mukhtaar ku
boriyay Dhamaan dadkii kasoo qayb galay Munaasibadaasi in lagu
dadaalo sidii caruurta loo gayn lahaa waxbarashada, isaga oo
yidhi waxa maanta dhigta Iskuulada Degmada 2000 arday balse
4000 oo ardayna way ka badan tahay ardayda aan waxba dhigan ee
xoolaha loo dirayaa markaasi waxa aan leeyahay waalidiinta
caruurta xoolaha u diranaayay waxbarashada keena Caruurta
taasi ayaa idinka iyo iyagaba anfacaysee, ugu danbayntii waxa
uu yidhi halku dhiga sanadkan ee UHWA waa ( we wil never go
back)
Waxa kale
oo iyana halkaasi ka hadashay Marwo Safiya Jibriil oo ka
socotay Haayada UNICEF, waxayna hadalkeedii ku bilowday
runtii waxa aan ku faraxsanahay marti qaadkan aad ii
fidiseen, waayo ka UNICEF ahaan waxa aanu dhiiri galinaa
Waxbarashada ciddii horumarinaysa waxbarashadana dadka waanu
iskaga dhawnahay ayay tidhi Marwo Safiyi,waxa kale oo ay tidhi
Waxbarashadu waa furaha Horumarka ee ku dadaala UHWAna waxa
aan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa talaabada wax ku oolka ah
ee ay qaadeen, Wasaarada Waxbarashada iyo ka UNICEF ahaana
waanu idinla qabanaynaa wixii aanu idinla qaban karno ayay ku
soo koobtay Safiyi.
Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Xasan Cali Sadexle oo yidhi waxa
aan saaka 9:00 Subaxnimo kasoo dagay Madaarka Magaalada
Hargaysa aniga oo kasoo baqoolay Dalka Finland,go’aansadayna
in aan ka qayb qaato Xafladan lagu xusaayay Maalinta
waxbarashada Degmada Allaybaday Aniga oo aan nasan runtii waxa
aan dareemayaa ayuu yidhi farxad saa’id ah,waxa uu soo
jeediyay mr Xasan in lasameeyo iskuulo kale oo ah kuwa
farsamada gacanta(vocational skills)
Waxa kale
oo isna xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada
oo yidhi waxa aan hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa
dhamaan bulshada reer Allaybaday Munaasibadan Maalinta
Waxbarashada Awgeed, waxa kale oo uu Wasiirku aad ugu
dheeraaday in ahmiyad lasiiyo Waxbarashada, waxa kale oo uu
Amaan usoo jeediyay UHWA oo uu yidhi waxa ay mudan tahay ku
dayasho isaga oo yidhi Allaybaday waxa ay tahay Tusaale aanu
usoo qaadano marka aanu dadka tusayno in wax laqabsan
karo,waxa kale oo uu wasiirku yidhi waxa aanu Degmada
Allaybaday u gunaynay sanadkan Macalimiin taasi oo uu
Amarkeeda iskalahaa ayuu yidhi Madaxwaynahay Jsl Daahir
Riyaale, waxa kale oo uu yidhi Wasaaradu waa u diyaar waxkasta
oo ay la qaban karto Degmada Allaybaday.
Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee
Golaha Wakiilada JSL, Mudane C/casiis Maxamed Samaale, wuxuuna
hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxbarashadu waa furaha
nolosha waana lagama Maarmaan markaa waxa la inooga baahan
yahay in aynu ku dadaalo Waxbarashada, iyo in aynaan dayicin
tacabka dadkeena maalka faraha badan kusoo bixiyo bilkasta
siddii ay caruurteenu wax u baran lahayd,markaasi waxa la
inooga baahan yahay ayuu yidhi in aynaan dayacin fursadaasi
maadaama oo aynaan saddex sano ka horba aynaan haysan fursadan
ay maanta reer allaybaday haystaan taasi oo arday badan reer
somaliland ahi ayna haysan, sobobtoo ah ma jirto dalka meel
waxbarasho sare iyo tu hooseba ay bilaash tahay, markaasi waa
in laga faa’idaysdaa ayuu yidhi,
Waxa kale
oo uu wasaarada Waxbarashada usoo jeediyay oo yidhi
Macalimiinta Maanta waxa ka dhiga Degmada Allaybaday kuma fila
markaasi waxa looga baahan yahay wasaarada in ay kordhiso
macalimiinta wax ka dhiga Degmada, ugu waxa uu halkaasi ka
balan qaaday in uu bixinaayo $1000 dollar oo ka mid ah
qaadhaankii lagu dhisaayay Dugsiga sare ee Boarding ah, $1000
kaa dollar oo noqon doona kii ugu horeeyay qadhaadhaanka lagu
soo qaybiyay gudaha oo dhan $25000 dollar,
Ugu
danbaytii waxa Xafladaasi soo gudnaanaday Suldaanka Beesha,
Suldaan Axmednuur C/laahi Samaalekaasi oo uu Hadalkiisu u
badnaa Duco iyo Waano












