Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

FAALLO : MAXAY KU KALA DUWANAAYEEN XUSKII SANADKA  KA DHACAY ALLAYBADAY EE 21 JULY IYO KUWII HORE?  ALLAYBADAY . 24.July.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa Maalintii ay  taariikhdu ahayd 21 july 2008 laga xusay Magaalada Allaybaday Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday oo ah 21 july  iyo Sanad guuradii Sadexdaad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka Horumarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee loosoo gaabiyo UHWA, hadaba hadii aan marka hore wax ka idhaahdo jawigii iyo siddii ay u dhacday xafladaasi, waxa aan oronkarnaa waxa ay ahayd mid sifiican loosoo agaasimay,taasi oo ay kasoo qaybgaleen marti sharaf badan iyo dadka ku nool Magaalada Alllaybaday yar iyo waynba, kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa ka qayb qaadashada ay ka qayb qaadanayeen Munaasibadan lagu xusaayo Maalinta Waxbarashada Degmada, Xafladaasi oo aan hore uga dhici jirin Xarunta Degmada Allaybaday ee Allaybaday, xuskaasi oo ku bilaabmay jawi farxadeed isla markaana ku dhamaaday iyada oo dhamaan dadkii munaasibadaasi isugu yimid ay  ka muuqato wajiyadooda farax ay ugu damaashaadayeen Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 july.

Hadaba haddii aan usoo daadago Mawduucan aan kaga hadlaayo Maxay ku kala Duwanaayeen Munaasibadii shalay iyo kuwii hore uga dhici jiray Hutelada Waawayn ee Caasimada JSL ee Hargaysa, Soomaalidu Waxay ku Maahmaahdaa Haani gunbay ka tolantaa, sobobtoo ah waxa ay shalay dad farabadan oo ah kuwa ku dhaqan Degmada Allaybaday aad u Fahmeen Dadaalka wayn ee wax ku oolka ah ee ay wadaan jaaliyadaha reer Allaybaday iyo himilooyinkooda dhaw iyo kuwa fogba, inkasta oo ay dareensan yihiin dadwaynahan Degmada Allaybaday isbadalka ay sameeyeen qurba joogta reer Allaybaday 3 sano gudahood taasi oo ay 9 dugsi oo cusubi kusoo biireen 3 saddexdii hore, dugsiyadaa cusub oo markii hore ay jaaliyadu dhamaan ku bilaabeen shiraac marka aan lagu darin Dugsiga Sare ee Allaybaday, Dugsiyadaasi oo durba qaar kamid ahi yeesheen dhisme caadiya, taasi dadwaynihii reer Allaybaday ee xafladaasi isugu yimid ay bogaadin mahadnaq iyo hambalyoba ay u dirayeen jaaliyadaha isu qilqaamay in ay jahliga kasaaraan ubadkooda, iyada oo aad arkaysay meel walba oo ka mid ah Magaalada Allaybaday iyada oo lagaga sheekaynayo hawlaha Waxbarashada ee ay wadaan UHWA, taasi oo aan xafladihii hore looga sheekayn jirin sobobtoo ah dadku kamay qayb qaadan jirin marka laga reebo kuwa ku nool hargaysa oo waliba dadka qaar uun ay ka qayb qaadan jireen sobobtoo ah Huteelka ay ka dhacayso xafladu waxa lagu soo marti qaadi jiray dad xadidan, halka ay Munaasibadan u danbaysay ay ka dhacday meel fagaare ah oo ay suura gal noqotay in ay ka qayb qaataan dad fara badan, kuwaasi oo inbadan oo dadkaa ma mid ahi ay aad ugu baraarugeen hawshan waxbarashada ee ka socota Degmada,wax kale oo aad arkaysay waalid ku tashanaya in ay caruurtooda wixii aan hore nasiib ugu yeelan in ay waxkabartaan iskuuladaasi ay imika keenayaan, taasi oo ah guul ay keentay Xafladan Sanadka lagu qabtay Magaalada Allaybaday,

Hadaba su’aasha mudan in la iswaydiiyaa waa ma halkaasi ayay kasii socondoontaa  haddii alleh yidhaahdo in Sanad walba lagu qabto Xaflada Allaybaday mise waxbaa iska badali doona?

Xuskan oo kale ma lagu qaban doonaa, Magaalooyinka kala ah, Xidhinta, Taysa, Harcadaad, Geed Abeerah iyo tuuliynka kale ee Degmada ?

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com