Siminaarkan oo
socday muddo 3 maalmood ah oo ay ka soo qayb galeen 22
xubnood oo kala yimid Degmooyinka hoos yimaada gobolka
Hargaysa iyo 8 xubnood oo laga daray degmada
Allaybaday,30kaa xubnood ee Haaayada ADO(Agricultural
Development Organization).
Ugu qabatay degmada
allaybaday aqoon is waydaarsi ku saabsan dhinaca beeraha iyo ka
faa’iidaysiga khayraadaka dhulka,
Sidoo kale xubnahaa
siminaarka galay waxa loo qaban doonaa siminaar dambe oo ay ku
samaysan doonaan iskaashato guud.
Sida uu ii sheegay
Gudoomiyaha ururka beeraha ee Allaybaday Mr. Ismail A/lahi
Mubarik. Waxa kale oo uu sheegay in Gudoomiyaha iskaashatadu uu
xafiiskiisu noqon doono Hargaysa kaas oo uu sheegay inuu noqon
doono xubun kamida xubnaha kaga jira Allaybaday Gudoomiyahaas
iskaashatadu.
Dhinaca kale waxa
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Allaybaday(Daahir Cabdi Aw Jaamac)
ii sheegay inuu safar hawleed ku soo maray Tuulooyinka hoos
yimaada Degmada Allaybaday uuna ku soo arkay AYAX.
Meelaha uu ku soo
arkay waxa ka mida : Geed abeera, Harcadaad iyo Tuulada Laaye
balse aanay badnayn waxyeeladiisu safarna ah sida ay u sheegeen
dadka deegaanku.

Wariye: ismael abdi
mohumed(Hilqad)
Allaybaday ………
Soomaaliland