Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday

"Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

 

Dib Unoqo

Warbixin muhiima: Bisha August. 2008. by Gudida Guud ee UHW, Xarunta Allaybaday. 02.September.2008

Ramadaan Kariim dhamaan xubnaha ururka UHWA.

Waxa aanu maanta kormeer ku tagnay dhamaan Dugsiyada Hoose iyo dhexe ee  degmada, kormeer kayagaasi oo aanu siddoo kale gunooyinkiina kusoo bixinay, hadaba iskuulkasta waxa aanu kulan la yeelanay Gudi hoosaadka, macalmiinta, iyo ardayda taasi oo aanu kala hadlaynay siddii loo dardargalin lahaa waxbarashada Degmada Allaybaday .

Hadaba haddii aanu warbixin ka bixino iskuulada aanu maanta soo marnay sidda ay xaaladooda waxbarasho ahayd, waxa runtii la odhan karaa wax jira iskuulo ku talaabsaday ama kusocda xawli dheeraad ah taasi oo aanu runtii aad ugu faraxnay iskuuladaa markii aanu aragnay ee aanu waydiinay tirada ardayda ay hayaan iyo waliba tirada kusoo korodhay sanad dugsiyeedkan cusub iskuuladaasi sheegida mudan oo ka duwan iskuulada kale waxa ay kala yihiin :

  1. GEES DHEERE . 

  2. WAADI XOOR .

  3. XIDHINTA .

Balse iskuuladaasi waxa ay u baahin yihiin dhisme yaal hano qoto taandho ama dhisme caadiyaba e, waayo waxa aanu soo aragnay arday bilaa kuraas ah ama dibadaba fadhisa siiba labada iskuul ee Gees Dheere iyo Waadi xoor oo ay ardaydoodu imika  tahayba 170 arday, xaga iskuulka Waadi xoor sanad dugsiyeedkan cusub waxa la qaatay 70 arday oo ay Haayada NRC qaadatay iyo  ardaydii kale ee ulooyinka caadiga ahaa, hadaba labadaasi iskuul waxa ay mudan yihiin amaan gaar ah Dugsiga Gees dheer oo ay ardaydu ku badan tahay waxaa ka baabay Taandhadii oo caruurtu waab yar aya hoos fadhinayaa, waxaanu rajanayn in wiika dhexdiisa Taandho cusub loo helo.

Dhinaca kale labad dugsi ee Har-Cadaad iyo Taysa, waxaanu dib ugu noqonaa 5 ka bacdi, labadaa dugsi oo aan u shaqayn sidii loogu tallo galay. una baahan in macalimiinta laga bedelo iyo ardayda oo la kordhiyo. Warbixin buuxda ayaa idiinka soo diri doonaa.

Dhinaca kale dhamaan iskuulada kale waxa aanu la soo balanay Maamulayaashii taasi oo aanu nidhi 5 cisho dabadeed ayaanu soo noqonaynaaye waxa aad noosiibalamisaan Guddiyadii Iskuulada waayo maanta noomaysuuroobin in aanu la kulano Gudiyadaasi, iyada oo lakulanka gudiyadaasi aanu kala hadli doono in aanu iska kaashano siddii aanu usamayn lahayn wacyi galin balaadhan oo ku sahabsan siddii caruurta xoolaha loo diraayo wax loo bari lahaa hadaba haddii aleh yidhaahdo waxa aanu warbixin kasoo qori doonaa wixii kasoo baxa kulanadaasi aanu layeelanayno guddiyadaasi,iyada oo xaaladaha iskuulada kalena ay wacnayd inkastoo ayna gaadhayn 3 iskuul ee aanu kor ku xusnay balse aanu rajaynayno in aanu iyagana la tartansiin doono iskuuladaasi kale anaga oo maantaba u sheegnay in la is dhaafay oo ay fadhigan fadhi uga noqdaan. hadaba haddii aanu isoo yara noqono xaga iskuulada Allaybaday aad ayay iyagu u fiican yihiin maalin kastana waanu tagnaa oo talaabo talaabo ayaanu xaaladooda ula soconaa markaa iyagu aad ayay u fiican yihiin.

Codsi ku socda dhamaan 18 Jaaliyadood :

  1. Baahi loo qabo Gudi Cusub : In Gudi Cusub laga Sameeyo Hargeisa sida ugu dhakhso badan, taas oo ay shaqadeeedu noqoto, hawlaha Haayadaha, Wasaarada, isku xidhka Jaaliyada dibada iyo gudaha iyo Qadhaan ururin laga bilaabo Hargeisa. Baahi weyn ayaa loo qabaa gudi Cusub oo Hargeisa laga sameeyo, maadama ayna wax gudiyi Hargeisa ka jirin hada, Waxaanu rajayn in dhamaan 18 Jaaliyadoo ay isku yimaadaan oo ay soo magacaaba gudida cusub ee Hargeisa xarunteedu ahaan doonto.

  2. Wakhtiga Gunada : In Wakhtiga Mushaaradu uuna ka danbayn 30. bisha bil walba, Lacagta lanuu hagaajiyo Dahabshiil, Allaybaday.

 

Qore: Xoghaye Maxamed Xaashi Cadur

Alllaybaday somaliland

Email: caduur2009@hotmail.com

Telefon : 00 2522 4114032

Salaan ka timid 

Gudida Guud ee UHWA, Allaybaday

Mohamed Yussuf, Gudoomiye

Fosiya Aw Cise, G/XigeenXubin

Mohamed Haashi, Xoghaye

Xoghaye Maxamed oo mushaar siinaya Macalimiinta Degmada Allaybada.

 

___________________________________________________________________________